Malaga yaabaa in Marwo May ay ka mira dhaliso heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midoowga Yurub?

0

Raisalwasaare Theresa May oo ka badbaaday cod kalsoonida kala laabasha ah oo ay u qaadeen xildhibaanada xisbigeeda. Waxa ay heshay 200 oo cod, halka 117 ay ka codeeyeen Theresa May.

Mrs May oo ka hadlaysay waddada Downing, ayaa waxa ay wacad ku martay in ay ka mira dhalin doonto heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midoowga Yurub.

Balse waxa ay sheegtay in ay dhagaysatay walaaca ay muujiyeen xildhibaanada ka codeeyay.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in maalinta khamiista ah ee oo uu dhacayo shirka shirka Midowga Yurub ay u dagaalami doonto isbedlkeeda ku aadan heshiiska ka bixitaannka Britain ee Midoowga Yurub

 

Wriyaha BBC-da ee Laura Kuenssberg ayaa sheegay in natiijada aysan ka farxin ra’isalwasaaraha.

In codka kalsooni kala noqoshada loo qaado ra’isal-wasaaraha waxaa sabab u ahaa 48 xildhibaan oo ka tirsan xisbigeeda,kuwaasi oo ka carooday siyaaddeeda ku wajahan ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub taas oo ay sida la sheegay ka hor imanayso aftidii laga qaaday shacabka sanadkii 2016-kii.

Jacob Rees-Mogg, oo hogaaminayay xildhibaanada geeyay mooshinka kalsooni kala noqoshada, ayaa sheegay in natiijada ay tahay mid ra’isalwasaaraha caqabad ku ah ayna tahay in ay xilka iska casisho.

Dhanka kale natiijada waxa ay ka farxisay xildhibaanada Tory.

Ra’isalwasaaraha ayaa weli wajeheyso dagaalka ay ugu jirto sidii ay ugu guuleysan lahayd heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ee ay kula heshiisay Midowga Yurub.