Madaxwaynaha Naigeria Muhammadu Buhari oo Shacabka dalkiisu u haystaan in uu Cisbitaal ku jiro Ayaa Nin u eeg Lagu Arkay Shirkii Poland ee Cimilada Aduunka Lagaga hadlaay, Maxaase dhacay

0

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa lagu eedeeyay in uu u diray nin isaga u eg shir Qaramada Midoobay uga socda dalka Poland kaas oo looga arrinsanayo mushkiladaha cimilada adduunka.

Eedeyntan ayaa timid kadib markii shirkaasi lagu dhex arkay madaxweyne Muhammadu Buhari oo xayi ah, halka horay loogu ogaa nin caafimaad ahaa liita islamarkaana mudo 5 bilood ka badan isbitaal ku yaal magaalada London loogu dabiibayay xanuun uusan wali shaacin.

Arrintan ayaa sababtay in madaxweynaha oo ku sugan dalka Poland uu beenimo warar uu ku sheebay been abuur kuwaas oo baraha bulshada si weyn looga hadalhayo.

Waxaad arkeysaan waa anigii saxda ahaa, waxa i shabaha oo shirkaan ku sugan ma jiraan. Dhammaadka bishan ayaa waxaan u dabaaldagayaa dhalashadeysa sannadka 76-aad”, ayuu yidhi madaxweyne Muhammadu Buhari mar wax laga weydiiyay eedeymahan cusub.

Shirkan maanta ka furmay dalka Poland ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 200 oo waddan, waxaana ujeedkiisu yahay sidii wax looga qaban lahaa halista cimilada adduunka iyo waxyaalaha sababa.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 12 sano oo qura ay haystaan in isbaddel lagu keeno haddii kale ay faraha ka baxayaan aarimaha kuleylaha, fatahaadaha, abaarta iwm.