Cadho xoogan oo ka dhalatay muslimiin lagu sooryeeyay hilib doofaar

0

Wasaaradda arrimaha Gudaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in ay ka shalayday in ay hilib doofaar ku soortay shir dad Islaam ah ay isugu yimaadeen oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Baarliin (Berlin).

Wasaaradda ayaa sheegtay in cuntada ay dadka ku soorayeen ay ahayd mid loogu talagalay dad yawga kala diimaha ah ee ka soo qayb galayay shirka Muslimiinta Jarmalka.

Balse raali galin ayay bixisay “haddii ay jiraan dad dareemay in meel looga dhacay dareenkooda diimeed”.

Shirkaas waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Horst Seehofer oo bishii Maarso sheegay in diinta Islaamka aysan meelna ku lahayn Jarmalka.

Dadka shirka ka soo qayb galay intooda badan Muslimiin ayay ahayeen, sida ay warbaahinta guduhu ku warrantay.

Balse hilibka doofaarka oo xaaraam ka ah Muslimiinta ayaa cuntada ka mid ahaa.

Tuncay Özdamar oo ah saxafi Jarmal ah ayaa Twitterka ku soo qoray “waa maxay fariinta uu bixinayo Seehofer. Muslimiintu xushmo ayay mudan yihiin maadaama oo aysan cunin doofaarka.”