Siyaasi cali Guray, Ina Cali waraabe kaligii Fasax Halloo Siiyo Sharciya in uu Kuwa xaqiray Qarankan Hor fadhiisto Waayo Xiisuu u Qabaa Sheekooyinkaa Madhlayaska ah

0

Siyaasi Cali Guray ayaa ku taliyay in faysal cali waraabe  kaligii loo ogolaado wadahadalada kuwaasi oo uu xusay in aanay jirin wax natiijo ah oo kasoo baxaya inta maamulka muqdisho Dafirsan yahay xaqiiqda iyo rabitaanka shacabka Somaliland.

MUJ Cali Guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo u baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

MAXAA IIGA GIDHIISH AH

“Faysal keligii Ha Loo Ogolaado Inuu Ku Xiiqo Wadahadalka Gudhan Ee Galoofta ah Ee la Hubo in Aan Wax Natiijo ahi ka soo Bixi Karin, Waayo aad buu isagu xiiso ugu Hayaa Inuu mar kasta Horfadhiisto Cid kasta Oo Dafirsan Xaqa Shacbiga Somaliland ay U leeyihiin Inay ka Tashan Karaan Aayahooda oo aan xataa Ogolayn in Afti ay Qaramada Midoobay goobjoog u tahay laga Qaado si loo Xaqiijiyo Go’aankooda. Taasoo noqon lahayd waxay ku gar helaan iyo weliba wadada ugu dhaw in Somaliland iyo Somaliya ay ku mudoobaan dawlad federaal ah oo waxa la wada yeelanayo iyo waxa la kala yeelanayaaba ay cad yihiin lagana heshiin karo hadiii dhinaca Somaliya ay hayaan wax ay ka iibin karaan dadka Somaliland oo u cuntami kara ama u dhaami kara gooni-isu-taaga.

Sida aynu ognahayna wax cusub oo ay hayaan ma jirto ee waa midnimadii lixdankii oo ahaa qalad mar loo qaldamay oo 31 sanadood ka dib fashilmay sidii iyo wixii iyo ciddii fashilisayna la ogyahay. Weli waxay dabada hayaan waa tii fashilantay lafteedii, Somalilandna waxay u arkaan maamul goboleed la mid ah maamul goboleedyada ka jira Somaliya ee aan xataa iyaga laftoodu hoos tegin Muqdisho. Farmaajo ma waxa lagula hadlaa isagoo rumaysan in Madaxwaynaha Somalilandna uu madaxwayne ka yahay maamul goboleed ka tirsan dalka uu isagu (Farmaajo) isku wado inuu ka yahay Madaxwayne. Taasi madaxda Somaliland ee ogoli miyaanay ahayn khaayimul waddaniin waayo dee waa khiyaaamo qaran aniga xagayga. Markaa madaxda Muqdisho riwaayadooda beenta ah iyagu ha isu dhigaan oo ha iska daawadaane bal inaga maxaa inooga gidhiish ah? Faysal Cali Waraabana horta shacbiga Somaliland intuu isagu metelaa? Malaha ma oga mise xisaabtu way ka qaldan tahay?

Anigu waxan qabaa ilaa la helayo saaxad aragtiyeed oo laga wada duuli karo wadahadal kasta oo dhexmara Somaliland iyo Somaliya waa “i jiid aan ku jiido eh” iyo “midi midi ku taag” oo wax natiijo ah oo laga gaadhi karayaa ma jirto. Markaa hadii Faysal keligii loo ogolaado isaga ayaa inagaga filan oo aan isagu xiiqayn ee iyaga xiijin kara. Markaa Faysal cagta ha ka wado oo kolba huteel ha isu hortaago eh daaya,

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caliguray)