Angela mergel hogaamiyihii jarmalka oo ku dhawaaqday inay xilka ka degayso

0

Hoggaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel ayaa galabta ku dhawaaqday in ay ka degi doonto xilka marka la gaaro sannadka 2021, kaddib marki uu xisbigeeda ku guuldarreystay doorashooyinka gobollada ee dalka Jarmalka.

Hadalkaan ayay Angela Merkel ka sheegtay shir jaraa’id oo ay maanta qabatay, iyada oo sidoo kale xaqiijisay in aysan isu soo taagi doonin xilka gudoomiyaha xisbigeeda oo ay hogaaminaysay tan iyo sannadkii 2000.

Markel Waxaa kale oo ay sheegtay inuusan qorshaha ugu jirin in ay jago ka raadsato Guddiga Midowga Yurub, taasoo meesha ka saareysa warar la isla dhaxmarayay oo sheegay inuu damac uga jiro xilka madaxa Midowga Yurub.

Arrintan ayaa timid kaddib marki uu xisbigeeda Christian Democratic Union (CDU) uu natiijo aad u liidata ka keenay doorasho axadii shalay ka dhacday Hesse.