Wasiirka Beeraha Somaliland Iyo Gudoomiyaha Hay’ada Udiyaar Garawga Masiibooyinka Oo Khilaaf Ka Dhex Qarxay + Waxay Isku Khilaafeen.

0

Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar Garawga Masiibooyinka iyo Keydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa naqdiyay hadal kasoo yeedhay Wasiirka Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed taasi uu Wasiirku fariin digniin ah ugu diray Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dhinaca Deegaamada Xeebaha badda Somaliland. Waxa uu Gudoomiye Faysal warbaahinta u sheegay inuu ka hadli karo uun Wasiirka Beeruhu wixii ku saabsan arimaha Beeraha balse wixii Aafo ah iyo digniino Masiibooyin ah ay Qaranka u xilsaaran tahay Hay’addiisa NADFOR.

Labadan Masuul ayaa sidoo kale bulshada u kala diray digniinno is khilaafsan oo uu mid waliba dhankiisa ku sheegay inay Duufaano ku soo aadan yihiin Xeebaha Somaliland.

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inay maalintii Shalay ahayd Duufaanto ku soo aadan tahay Somaliland hal uu Faysal Cali Sheekh ku sheegay Isniintan maanta iyo Salaasada Bari.

Gudoomiyaha Hay’adda u diyaar Garawga iyo Keydka Raashinka Qaranka Faysal Cali Sheekh oo Waraysi khaas ah Shalay Siiyay Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan Bahda Warfidiyeenada Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable ayaa ugu horayn fariin u diray Wasiirka Beeraha, una sheegay inaanay shaqadiisa ahayn inuu ka hadlo arimaha Aafooyinka waxaana uu yidhi “Walaahi taasi ma garan karo, iyagu waa beeraha,oo horumarinta Beeraha ayaa Wasaaraddooda la yidhaa, oo Barwaaqo iyo Aafo ayaanu kala nahayba, Kolkaa wixii Aafo ahna anaga ayaa ka hadlayna, wixii Nimco iyo Beero ahna iyaga ayaa ka hadlaya,Anagu waxaanu bixinay wixii macluumaad ah ee aanu ka helnay Caalamka oo aanu ururinay, darisnay, inbadan ka shaqaynaynay, Xilkayagana ah, markaa sida aanu Xogaha ku helnay Axadda waxa la filayaa inay ka bilaabanto Yamen iyo Cumaan, Somalilandna ay ka bilaamaan Isniinta iyo Salaasada, Labadaasi Cisho ayay saadaalaha oo dhami ay sheegayaan, Markaa waan eegaynaa ta xaqiiq noqota”.

Waxa kale oo uu yidhi“U Diyaar garawga iyo Ka jawaabistaba runtii Xeer ayaa hoos geeyay la yidhaahdo Lambar 35 oo baarlamaanku ansixiyay, Madaxweynihii horena uu saxeexay,  oo qeexaya in Hay’addaasi ay bixin karto Digniin iyo ka jawaabis iyo taakulayn iyo tu dhaqaaleba intaba inay Hay’addani NADFOR oo hore loo odhan jiray NARAD ay ka shaqayso, xilkeeduna uu yahay Waxbixin ka samayn karto inay ka jawaabi karto Wax Allaale wixii ku saabsan Aafooyinka,kolka ay dhibaato timaado, digniinta hore waxa iska leh Hay’adda NADFOR, Haddii uu Waxaasi uu balaadho oo uu xoogaystana digniinta labaad Gudida Heer Qaran ee uu Madaxweyne ku xigeenku Gudoomiyaha ka yahay, ta u dambaysa ee haddii uu Dalku Masiibo(Disaster) ka dhacan Madaxweynaha ayaa awood uleh oo ku dhawaaqaya”.

Hadalkan uu Faysal Cali Sheekh daba socday ee uu Wasiirka Beeruhu warbaahinta ka sheegay ee uu kaga hadlay Duufaanta ayaa waxa uu u dhignaa sidan“Dad weynaha waxaan uga digaynaa, waliba ku nool Gobolada Sanaag Iyo Gobolka Saaxil Barigeedaba inay taxadir badan ka sameeyaan 24-saacadood ee soo socda, inay ka fogaadaan meelaha badaha geerkeeda, Doonyaha yar yar iyo laashashka yar yar iyo dadka saaranba inay ka fogaadaan meelaha Badaha  oo la filayo 24-saacadood gudahood inay inagu soo gaadho,oo aynu filayno bari Axadda inay Galinka hore ama Galinka dambeba  inagu bilaabanto”.

Sikastaba hanoqotee Xeer Nidaamiyihii Xukuumaddan Muuse Biixi u dejisay hayadaha Qaranka ayaa u muuqda mid  masuul waliba dhinaciisa u macnaysanayo, waxaana todobaadkii hore iyaguna khilaaf dhinaca shaqada ahi ka dhex qarxay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Maareeyaha Wakaaladda Jidadka ee Wasaaraddaasi, waxa kale oo jira Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda oo iyagana khilaaf qarsooni ka dhex jiro oo aan wali dibada usoo wada bixin balse aad loo hadal hayo.

 Foore.