Waxa uu ku hanjabay Faysal Cali Waraabe hadii ay xukuumaddu ka soo debci waydo halka ay iminka taagan tahay in aanu madaxweyne Biixi Taladda wadanka Sii hayn doonin.

0

Waxa uu ku hanjabay Faysal Cali Waraabe hadii ay xukuumaddu ka soo debci waydo halka ay iminka taagan tahay in aanu madaxweyne Biixi Taladda wadanka Sii hayn doonin.

Sidaasna waxa uu ka sheegay xaflad xalay uu mid ka mid ah murashaxiinta Golaha Wakiiladda Somaliland uu ku soo bandhigayay hankiisa siyaasadeed, waxaanu yidhi “Maanta Doorash ma soo muuqato, inaga uun maanta si fiican u soconee

wax doorasho ah oo madaxtooyadda iyo baarlamaanka ka socdaa ma jirto.

Baarlamaanka maanta jooga shan sano ayaa la doortay, laakiin maanta waxa ay joogaan 13 sano, waxaana ay saddex sano uga hadhsan yihiin saddexdii xilli ee min shanta sano ahaa” ayuu yidhi.

Waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Markii aan xajka ka soo laabtay ayaan bilaabay in aan dadka isu keeno, Waddani Baan u tagnay, Odayaal baan u diray Madaxweynaha waxaanan ku idhi bal balan ka soo qabta Madaxweynaha Saddexda Xisbi ah, waanay ka soo qabteen ilaahay khayr ha siiyee.

Hadana waxa aan u tagnay waddani oo waxa aan ku nidhi miyaan iska laab-laabnaa axsaabtii, hadii kale idinkuna waxa aad ka laabataan waxan aad leedihiin ha la kala diro Komishankii, nimankana (Komishanka Doorashooyinka) wakhtigoodu wuu dhamaanayaa 2019-ka, hana ogolaadeen in laba xubnood lagu daro oo 9 laga dhigo, tii ayaanay ogolaadeen, waanan shirnay saddexyadii xisbi” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

waxa kale oo uu intaasi ku daray in shirarkii Xisbiyada ee lagaga hadlayay Doorashooyinka Soo socdaa ay halkoodii ka sii socdeen “Waxa aanu nidhi anaga iyo kulmiye oo ka soo horjeednay arrintaas ah in la kala diro Komishanka Doorashooyinka, hadana in laba xubnood lagu daro anaga ayaa ka soo shirayna.

Saddex jeer ayaanu shirnay, waanay ka soo dhaqaaqi waayeen , dhexdhexaadintii aanu keenay way diideen, tii wadanina way diideen, doraad ayuuna hadalkii naga xidhmay” ayuu yidhi.

Waxa uu guddoomiyaha Xisbiga UCID Uu Sheegay haddii ay xukuumaddu ka soo dhaqaaqi weydo halka ay iminka taagan tahay ay xisbiyadda Mucaaradka ahi ku dhawaaqi doonaan Shir Beeleed “Dalkani laba arrimood ayuu ku socday oo uu Adduunka ka iibin jiray waxaanay kala ahaayeen Nabad galyo iyo dimuqraadiyad isbedbedelaysa oo la is dooranayo.

Labadiiba maanta khatar ayay ku jiraan, waa taas oo qabiil baa loo baxay, waa taas oo jabhado ayaa la samaystay, dimuqraadiyadiina waa taas oo bireegii ayaa loo joogsaday, Hadaba hadii uu muuse Qaatay ra’yigii aanu berigii ka diidnay Rayaale ee Ahaa Baarlamaanka adiga ayaa u badan ee fadhi, ma fadhiyayo.

Aniga ayaa runta idiin sheegaya ee Baarlamaankuna ma fadhiyayo, Muusena Ma fadhiyayo, Dawladaha Hoosena Ma Fadhiyayaan Ee Shir Beelleed baanu ku dhawaaqaynaa, mar hadii la baabiiyay axsaabtii oo ay doorasho dhici waydo, dalku wuu baaba’ayaa mana jirto maanta maalin aynu ka xunahay”

Waxa uu xusay in aanu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka faa’iidaysanin khaladaadkii la soo galay, waxaanu yidhi “Waxaanu is lahayn Muuse Wuu koray, Khaladaadkii la soo galay 27-kii sano ayuu ka faa’iidaysan doonaan, wadadii lagu jabay ayuu ka leexan doonaa, laakiin hadii uu tii maray anagu u dul qaadan mayno, nin weyn oo ka mid ah gudidiisa ayaanu ku nidhi waar hadii aydaan 9 xubnood in laga dhigo komishanka ogolaanin, nimankani (Xisbiga Waddani) waxay yidhaahdeen Gudida waa in la kala diraa hadii kale anagu doorasho geli mayno, wuxuu yidhi maxaa ka macne ah wuu iska fadhiyi doonaayoo, lacagta soo baxda Kolba halkii ay rabshadi ka dhacdo ayuu ku bakhtiin doonaa, hadaba waxa aanu u sheegaynaa oo aanu leenahay ma fadhiyayo” ayuu yidhi.