Iskudhacyada qoomiyadaha oo minjaxaabinaya isbadalada Itoobiya

0

In ka badan 2.5 milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay guriyahooda ka qaxaan dalka Itoobiya ,waxaana dadkan inta badan barakiciyay rabshado la xiriira qoomiyado iska so horjeeda.

Arrintan ayaa la tilmaamay in ay halis ku tahay isbadalada degdega ah ee uu wado rai’sul wasaare Abiy Ahmed.

Xiisad gaamurtay oo ka dhalatay sanooyiin badan oo cadaadis siyaasadeed uu dalkaasi ka jiray xiligii Meles Zenawi iyo Hailemariam Desalegn, ayaa sii xoogaysatay ka dib markii Abiy uu la wareegay awooddda bishii April islamarkana uu fasaxay xoriyada rayidka.

Inta badan isku dhacyada qoomiyadaha waxaa dhaliyay kheyraadka oo yar iyo muran dhanka dhulka ah,balse kuwa kalana waxa ay ka dhasheen gacan bidxeyn la sheegay in lagu hayay qoomiyadaha qaar iyo in aan xukunka wax laga siin.

Kala qaybsanaantani ayaa ahayd mid jirtay tan iyo 1994 markaasi oo la asaasay nidaamka maamulka gobolada oo lagu saleeyay qoomiyado ka dib markii ay xukunka dalkaasi la wareegeen xisbiga EPRDF.

Weeararadii lama filaanka ahaa ee qoomiyadaha ku salaysnaaa ee caasimada Addis Ababa, ka dhacay intii u dhaxaysay 13-16 September ayna ku dhinteen 58 qof ayaa ahaa tusaale muujinayay heerka kala qaybsanaanta dalka Itoobiya wajahayo.

Rabshadaha iyo isku dhacyadii ku salaysnaa qoomiyadaha ee dhawaan dhacay ayaa dib u dhac ku keenaya Abiy Ahmed oo xilka haya oo kali ah muddo 6 bilood ah.

Intii uu xilka hayay Dr Abiy waxa uu ku talaabsaday hormaro waawayn,sida in uu la heshiiyay Eritrea, xabsigana uu ka siidaayay maxaabiis islamarkana uu dalka ku soo dhaweeyay mucaarad badan oo dibad joog ahaa.

Waxa ay rabshado ka dhaceen ugu yaraan 5 ka mid ah 9 gobol ee uu dalka Itoobiya ka kooban yahay .