In ka badan 800 qof oo ku geeriyootay duufaanta iyo dhul gariirka ku dhuftay Indonesia

0

Ugu yaraan 832 qof ayaa ku dhimatay dhul gariirka iyo dufaanta Tsunami ee sida wayn ugu dhuftay jasiiradda Sulawesi ee dalka Indonesia, sida ay sheegtay laanta ka hortagga masiibooyinka dalkaasi.

Waxay sidoo kale sheegtay in dadka ay saamaynta ku reebeen dhul gariirka ay ka badan yihiin tiradii horraan la sheegay.

Dad badan ayaa la rumaysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha kaddib markii Jimcihii dhul gariirka uu halkaasi ku dhuftay, sida uu sheegay afahayeenka laanta masiibooyinka Sutopo Purwo Nugroho.

Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa gacmaha ku qodaya burburka si ay dadka uga soo saaran dhismayaasha burburay magaalada Palu.

Wuxuu sidoo kale walaac ka taagan yahay magaalada Donggala oo aanan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dhul gariirka iyo duufaanta Tsunami.

Ha’yadda laanqayrta cas waxay ku qiyaastay in 1.6 milyan qof ay waxyeello kasoo gaartay masiibada.

Madaxweyne ku-xigeenka Indonesia Jusuf Kalla wuxuu sheegay in tirada dadka ku dhintay dhul gariirka iyo duufaanta ay gaari karto kumannaan.

Madaxweyne Joko Widodo wuxuu jooga magaalada Palu si uu usoo eego xaaladda dhabta ee halkaasi ka taagan, magaaladan ayaa kamid ah meelaha ugu wayn ay saamaynta ku reebtay masiibadan.