DEG DEG, Madaxwayne Muuse Biixi oo Digreeto Dib Ugsoo Celiyay Laabkii Shidaalka ee haamaha Berbera

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-201/092018, uu maanta ka soo saaray la-wareegidda shaybaadka shidaalka Haamaha Berbera.

Wareegto Madaxweyne

La-wareegidda Shaybaadka Shidaalka Haamaha Berbera

 

Markaan Arkay:                Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:                Qodobka 12aad  iyo 31aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda;

Markaan Arkay:      Heshiiska ku taariikhaysan 19/09/2015 ee ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS), ujeeddadiisuna ahayd Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Dekedda Berbera;

Markaan Arkay:               Muhiimadda ay leedahay xaqiijinta iyo hubinta tayada shidaalka dalka soo galaya, si loo

Waxaan Go’aamiyey;

1)      In la buriyey heshiiska Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ku taariikhaysan 19/09/2015, kaas oo ay wada galeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS).

2)      In Xukuumaddu ay gabi ahaanba la wareegtay, si sharciga waafaqsan, maamulka, iyo lahaanshaha qalabka iyo hantida Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Berbera ee ay hore u lahayd shirkadda (ITSS).

3)      In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranku ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadda ITSS ku maalgelisay Shaybaadka Haamaha Shidaalka Berbera.

4)      In lagu wareejiyo Shaybaadhka Shidaalka Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL