Dawlada Hoose ee Magaalada Berbera oo markii Kowaad Ku Dhaqaaqday talaabo Aay Ku Bixinayso dhamaan Wixii dayn Lagu lahaa,

0

Dawlada Hoose ee Magaalada Berbera oo markii Kowaad Ku Dhaqaaqday talaabo Aay Ku Bixinayso dhamaan Wixii dayn Lagu lahaa,

maamulka dawlada Hoose ee Berbera,

Labadii Bilood ee Ugu danbeeyay Waaxda maaliyada ee dawlad Hoose ee Berberi waxay bixisay 70% dayntii Lagu Lahaa .Dhacadadn Ayaa Siwayn aay usoo Dhaweeyeen  dadkii macmiilka u ahaa dawlada Hoose ee Berbera.  Mid kamida Masuuliyiinta waawayn oo Heteelada Berbera Ayaa HWN u Sheegay in lasoo garaacay Isagoo Hoteelkiisa Jooga Loona Sheegay in Jeegiisii Lacagta cadaanka ah ahaa u Diyaar yahay oo uu Soo Doonto ma dhicin Ayuu yidhi Hore in lagu Yidhaa Adeer kaalay naga qaado lacagtaada ,Ganacsadaha Ayaa sidoo kale u Mahadnqay mamulka sare ee dawlada Hoose ee Berbera,

Agaasimaha waxda maaliyada  ee dawlada Hoose ee Berbera Maxamed cali Caabi oo HWN Wax ka Waydiisay Dariiqan Cusub ee aay Iskaga safaynayan dhamaan Wixii dayn ahaa Ayaa Sheegay in Aay Qorshaysteen in sanadkan Gudihiisa wada Bixiyaan Dayntiii raagtay iyo ta Cusuba waxaa Yidhi

,Isbdel wayn Ayaanu ku samaynay Lacag Bixinta  waxaanuna Marnay Sistemka ugu haboon ee Aanu ku Noqon lahayn Amah Bixiyayal ee Aanaan Noqon lahayn daynlayaal, Waanuna Ku Guulaysanay nadaam Xisaabeedka Cusub  sidoo kale Waxanu carabka Ku dhuftay in dawlada Hoose ee Berberi Aay Fulisay Mashaariic gaadhaya malaayiin Doolar taas oo Aanu ku fulinay isku tashi dawlad hoose ahan ah ayuu yidhi mr Caabi dhanka kalena  wuxuu yidhi  dakhliga nasoo gala marka laga reebo wax ka yar 10% ayaa  naga Soo gaadhay meelo kale.

ugu danbayntii Agasimaha waaxda maaliyada ee dawlad Hoose ee Berberi  maxamed cali caabi wuxuu Sheegay in aay Miiska u sarantahay iminka dawlada hoose Mashaariic Horumarineed oo ah Wadooyin Cusub oo Magaalada qaybaheeda Fiday ah iyo Adeegii oo la dar dar galiyay laakiin wuxuu ka Cidsaday Bulshada Berbera in aay soo Bixiyaan cashuurta kala duwan ee Ku baaqatay,