82% Daynta Caalamiga ah ee jabuuti Lagu Leeyahay waxa Ku Leh wadanka Chine,Warbixin uu  soo saaray mac-hadka Chine-Africa Research Initiative(CARI)

0

Wadanka Chine ayaa isku sii balaadhinaya qaarada Afrika oo uu ka hir gelinayo mashaariic kala duwan.

Warbixin uu  soo saaray mac-hadka Chine-Africa Research Initiative(CARI) oo ka tirsan jaamacada Johns Hopkins University ee cilmi baadhista caalamiga ah  ee dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay sida ay wadamada qaarada Afrika u qaataan daynta dalka Chine.Warbixinta ayaa lagu xusay in wadamada Angola, Itoobiya, Sudan, Kenya iyo Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congoay ka faa,iidaysanayaan deynta uu siiyo wadanka Chine, iyada oo wadanka Angola uu qaato deyn shiidaalka ku xidhan oo gaadhaysa $ 21.2billion tan iyo sanadkii 2000, qiyaastiina waa rubuc ka mid ah daynta guud ee wadanka

Chine siiyo qaarada Afrika.

Warbixintan ayaa si weyn uga digtay in wadanka Djibouti oo qaadanaya deyn badan isla markaana heshiisyo ku bixinay saldhigyo milatari uu caqabad kala kulmi karo deynta Chine, sida wadanka Sri Lanka oo warbixintu sheegtay inuu dhibaato kala kulmay deyntii uu wadanka Chine ka qaatay.

Warbixinta ayaa sheegtay in wadanka Sri Lanka lagu leeyahay dayn ka badan $8 billion taas oo xadiga dulsaarkeeduna yahay 7%, deyntaas oo oo wadanka ku qasabtay inuu dakhligiisa oo dhan u isticmaalo iska bixinta daynta wadanka Chine ku leeyahay.

Saldhiga Milatari Ee Chine Ku Leeyahay Djibouti

Dhinaca kale wadanka Djibouti ayaa warbixinta lagu sheegay inuu qaato dayn  dhaqaalaha dalkiisa ka noqonaysa 88% marka la eego wax soo saarka dalkiisa oo lagu qiyaasay 1.72 billion GDP.

Wadanka Chine ayaa 82% waxa uu yeeshay daynta dibada lagaga leeyahay wadanka Djibouti.

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay khatarta uu leeyahay heshiis ay dawlada Djibouti la gaadhay shirkad laga leeyahay dalka Singapore oo gacan saar la leh shirkada Merchants Port Holdings Co. or CMPort oo laga leeyahay dalka Chine taas oo maamusha dekeda Hambantota ee wadanka Sri Lanka, waxaanay Djibouti heshiis kula gashay inay maamusho  dekeda Daaroole oo ay ka eriday shirkadii DP World.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in heshiiska dekeda Daaroole uu muhiim u yahay maadaama oo dekedaasi ku dhaw dahay saldhiga milatari ee wadanka Chine ku leeyahay Djibouti, xukuumada Beijing ayaana u aragta meel ay kula tartami karto wadamada Maraykanka, Japan, Faransiiska iyo Talyaaniga oo saldhigyo milatari ku leh wadanka Djibouti.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Djibouti ay caqabad kala kulmayso qaadashada daynta iyo kiraynta saldhigyada badan ee ay bixisay.

Laba xildhibaan oo ka tirsan golaha senate  ee dalka Maraykanka kana tirsan guddida adeega ciidamada oo lagu magacaabo James Inhofe  iyo Martin Heinrich ayaa warqad ay bishii May u qoreen la taliyaha amniga John Bolton waxay ku sheegeen in madaxweynaha Djibouti u muuuqdo mid dalkiisa iibinaya isla markaana ku soo bandhigaya qiimaha ugu sareeya isaga oo doonaya inuu yareeyo danaha milatari ee dalka Maraykanka.”

Sidoo kale Joshua Meservey oo falanqeeya siyaasada kana tirsan Heritage Foundation ayaa sheegay in dalka Djibouti uu ku jiro halis la xidhiidha deymaha “Dalka Djibouti hada waxa loo aqoonsaday mid ka mid ah dalalka khatarta ugu jira daynta  sidaas darteed waa inay bixisaa dhamaan noocyada dabka ah ee digniinta si ay u ogaadaan wadamada xidhiidhka weyn la leh sida Maraykanka oo kale.”ayuu yidhi Joshua Meservey.

Warbixinta ayaa sheegtay in Djibouti ay ka mid tahay 68 dal oo dawlada Chine u adeegsanayso qorshaha loo yaqaano One Belt and One Road Initiative, wadamadaas oo wajahaya heerka daynta ee aan la dabooli Karin,  dalalkaas oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kyrgyzstan, Laos, the Maldives, Mongolia, Montenegro, Pakistan,  iyo  Tajikistan.