Danjire Michael Keating Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Jira Siyaasada Soomaaliya, Musuq Maasuqa, Qorshaha Xukuumada Iyo Sida Nabad Lagu Gaadhi Karo

0

-Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya isla markaana shaqada ka sii tagaya Michael Keating  soo bandhigay in go’aamadii ugu dambeeyey ee soo baxay ay yihiin qaar ka yimid mashkilado ku hoos jira siyaasada soomaaliya.
inay nasiib daro tahay khilaafka jiraa, waxaanan rajaynayaa in maamuladu ay sixitaan sameeyaan oo ay ku raacaan madaxweynaha shirka amniga qaranka ee uu ku martiqaaday, haddii ay taasi adkaatana ujeedada ugu weyni waa in hogaamiyeyaasha dalku isku yimaadaan oo ay ka wada hadlaan waxyaabaha walaaca leh sida amniga, hanaanka doorashada, dastuurka, khayraadka iyo dakhliga gudaha.”

Danjire Keating ayaa sheegay in aanay is aaminayn madaxda soomaaliya waxaanu yidhi “xaqiiq waana nasiib daro inay jirto is aaminaad la,aan u dhaxaysa dawlada federaalka ah iyo maamulada xubnaha ka ah”

Danjire Keating ayaa sidoo kale sheegay in hada la gaadhay wakhtigii ay masuuliyiinta soomaaliya horseed ka noqon lahaayeen amniga dalkooda waxaanu yidhi “Waxa la gaadhay wakhtigii hogaamiyeyaasha soomaalidu qaadan lahaayeen masuuliyada deganaanshaha dalkooda oo aanay ka sugin dadka dibada kaga imanaya, waxaanan u tagay Kismaayo si aan u soo macasalaameeyo shanta madaxweyne ee maamulada, fariinta aan u sidaana waxay ahayd haddii aad qabtaan tabasho ku saabsan amniga ama hanaanka doorashada si furan uga hadla oo la imaada soo jeedin ku saabsan sida loo wajahayo lana wadaaga talooyinkaasi dawlada federaalka ah kanna tala bixiya fursadaha wax lagaga qaban karo, waana muhiim in la wada yeesho wada hadal natiijo yeesha.”

Danjire Michaeal Keating ayaa sidoo kale ka hadlay musuq maasuq uu sheegay inuu ka jiro soomaaliya, isaga oo si gaar ah uga hadlay lacagaha loo adeegsado siyaasada waxaanu yidhi “Nasiib daro lacago badan ayaa lays dhaafsadaa si codadka doorashada loogu kala guulaysto iyo in la joojiyo ama la taageero mooshin cid ka dhan ah, arintaasina waa mid culus waana mid aan  dalka u ogolaanayn inuu horu mar gaadho, waxaanan u soo jeedinayey madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo raysal wasaaraha in la sameeyo xeerar cad cad oo laga yeesho siyaasada iyo mooshinada iyo in dib loo eego shuruucda iyo in la helo sharciyo laga dajiyo lacagta ku dhex wareegaysa siyaasada.”

Danjire Keating ayaa ka waramay qorshaha dawlada ee la dagaalanka musuq maasuqa “Dawlada wakhtigan jirtaa, raysal wasaaruhu waxa uu wataa qorshe culus oo dib loogu habaynayo hanaanka dhaqaalaha iyo lacagta, waxaana dusha kala socota hay’adda lacagta aduunka ee IMF, waxaana ka yimid isbadal la taaban karo oo ay ka mid yihiin korodhka dakhliga gudaha, cashuuraha iyo waxyaabo kale.

Hay’adda IMF si hoose ayey ula socotaa daba gal adagna way ku haysaa barnaamijyada ku saabsan hanaanka maamulka lacagta, waxaanay doonayaan in wadanku guul ka gaadho tijaabada uu ku jiro,.”

Mar uu ka hadlayey dhinaca amniga ayaa danjire Keating waxa uu sheegay in muhiimadu aanay ahayn qofka booliska ah balse loo baahan yahay in la dhiso hay’addo amniga ku shaqo leh oo qof kastaana aamni karo.