Maareeyaha haamaha Shidaalka Berbera oo ka hadlay Kulan uu La Yeeshay Masuuliyiinta Shirkadihii laga wareejay Haamaha

0

Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera Xasan Axmed Ibraahim oo Saxafada Madaxabanaan  la hadlay ka dib kulan uu la yeeshay Maamulkii hore ee Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera ayaa shaaciyay in uu soo afjarmi doono Khilaafkaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixisay halka uu kud danbeeyay Khilaafkii ka dhashay Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera.

“Shirkani waxa uu iska ahaa mid caadi ah, waxaanu ahaa isbarasho, anaga ayaana meesha ku shirayna oo waxa ay ahaayeen qolyihii Haamaha Maamuli jiray.

Waxaanan ugu bushaaraynayn in aanay jirin wax dhibaato ahi, shaqadiina ay si caadi ah noogu


socon doonto, waanan isbaranaynay oo rag badan oo ka mid ah ayaanaan hore isu aqoonin, aniguna meesha waan ku cusubahay.

Waxaanu ahaa runtii kulan aan inta badan loogu talo gelin saxaafadda, laakiin haddii aad halkan igu qabateen waxa uu ahaa kulan wada shaqayn ah, anagu weelkii ayaanu haysanaa iyaguna hantidii bay leeyihiin” ayuu yidhi

Mar la waydiiyay bal halka uu ku danbeeyay khilaafkii u dhaxeeyay maamulkii hore ee haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera iyo Xukuumadda Somaliland waxa uu ku jawaabay “Ma jiro wax khilaaf ahi, kulankanina waxa uu ahaa mid isbarasho, haddii uu khilaaf jirayna wuu iska dhamaan doonaa” ayuu yidhi Xasan Axmed Ibraahim (Embassy)