Dagaalka Afka ah oo Cirka Maraya Shirkada Dpworld iyo Jabuuti,

0

Wali waxa taagan khilaaf adag oo u dhaxeeya dawlada Djibouti iyo shirkada DP World.

Dawlada Djibouti ayaa ayaa ka dib go’aamadii ka soo baxay maxkamada England waxay shaacisay inay si toos ah ula wareegtay maamulka dekeda Daaroole oo ay gacanta ku hayn jiray shirkada DP World.

Shirkada DP World oo ka jawaabaysa talaabada ay qaaday dawlada Djibouti ayaa warsaxaafadeed ay  soo saartay waxay ku sheegtay inay jid kasta u mari doonto sidii ay u heli lahayd xaqeeda ah inay maamusho dekedda Dooraale.

DP world ayaa sheegtay in talaabooyinka Djibouti muujinayaan inay ku tumanayso xuquuqda maalgashadayaasha, waxaanay Djibouti ugu baaqday maalgashadayaasha caalamiga ah

inaanay maalgashan Djibouti “Maalgashadayaasha dunidu waa inay mar labaad ka fikiraan inay maalgashadaan Djibouti oo ay dib u qiimeeyaan heshiisyadii ay dawladda la galeen oo aan tixgelinayn shuruucda, iyagoo bedelaya heshiisyada iyadoon la  isku afgaran.” Sidaas ayuu yidhi sarkaal u hadlay DP world.

DP world waxay sheegtay inaanay marna ka tanaasuli doonin xaqaas ay sheegtay in maxkamad Ingiriiska ku taalaa u xukuntay.