Shirka ka dhacay Kismaayo waxa uu ahaa mid rajo badan laga qabay laakiin haatan waxa uu noqday mid ay umada soomaalida ahi ka naxeen,Madaxwayne Ku Xigeenka Butland

0

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Cumar(Camay) ayaa ka hadlay natiijada ka soo baxday shirkii madaxweyneyaasha maamul goboleedyada uga socday Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hogaamiyeyaasha soomaalida looga baahan yahay inay si wada jir ah uga tashadaan masiirka umada isla markaana khilaafka isa dhaafaan.

Shirka ka dhacay Kismaayo waxa uu ahaa mid rajo badan laga qabay laakiin haatan waxa uu noqday mid ay umada soomaalida ahi ka naxeen, waxaan leeyahay shirkan wax maslaxad ahi ugumay jirin soomaaliya”

Madaxweyne ku xigeen Camay oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “hadalkayga looma qaadan karo inaan ka soo horjeedo madaxweynahayga,

balse anigu taan arkaa waxa weeyaan in laga wada tashado waxyaabaha masiiriga ah oo dhan sida ugu wanaagsana laysku raaco.”

Sidoo kale madaxweyne ku xigeen Camay ayaa soo dhaweeyey baaqa ka soo baxay madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan shirka uu iskugu yeedhay golaha amniga qaranka “Waan soo dhaweynayaa baaqa madaxweynaha ee ah shir ha layskkugu  yimaado waxaanan u arkaa arin bilaw  wanaagsan noqon karta, horena waan u sheegee waa in la wada hadlaa dad ajanabi ah ma kala nihin isku luuqad ayeynu ku hadlaynaa.”