Hanti Dhowr Inoo Shaqeeyaa ma Jirto Madaxwayne Biixina, Eng Maxamed xaashi Cilmi

0

Maxamed Xaashi Cilmi wasiirkii hore ee maaliyada ayaa soo dhaweeyay dib u diiwaangalinta hantida maguurtada ah ee dawlada, waxaanu ku tilmaamay dhibaatada gaadhay dalka iyo hantida ma guurtada ah mid aan laga gayoon karin.

Waxa uu Maxamed Xaashi Calmi sheegay in dalku dhanka uu ka fadhiyaa ay tahay in hantidhawrkii qaranka, xeer ilaalintii iyo waliba baarlamaankii ay noqdeen kuwo aan shaqaynayn, waxaanu dalka inuu dulsaar ku yahay uu ku tilmaamay hantidharka qaranka.

Waxa uu sidan ku sheegay Maxamed Xaashi Cilmi tilifishanka Eryal waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi,  “Waa hanti mudo hore ay ahayd in wax laga qabto oo sharciyadeeda la dhamays tiro waynu habsaanay, waa loo baahan yahay waana talaaba wanaagsan oo uu ku dhaqaaqayo alle sida wanaagsan ha waafajiyee, waxii la kala iibsaday ayaa ay tahay in dib loogu noqdo oo la eego dariiqii loo maray, qiimaha tandharka lagu bixiyo iyo ka uu qof soo gooyaa waa kala jaad eeriyadaasna sida lagu iibiyay ee aan gurigaas( gurigii wasaarada duulisa)  ahayn waa xaaraan dariiqii hagaagsanaa looma marin waana arin u baahan in dib loogu noqdo.”

Waxa uu tilmaamay in xaalada dalku gaadhay meel xun“waxii ay wax ku dhamaanayaan sidan maaha laakiin ta laga filayaa waxa weeye in umaddan waxeeda si wanaagsan loo habeeyo oo si wanaagsan qorshuhu uu u dhaco danyarta la eego oo mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada loo kordhiyo,wax ku filan la siiyo, tira loo baahan yahayna la qoro saacadaha shaqadana la kordhiyo waxayse dhaantaa kuwii hore siday ahaayeen  wakhti la dhaliilo wali lama gaadhin ee sanadku haw dhamaado, aan eego intaas waxuu talaabo qaado, hantidaas umadda ee uu yidhi waan diiwaangalinayaa waa qodob aad loogu baahnaa, halka xumuhu gaadhay sida loo soo faqaa way adagtahay laakiin intan uu taab taabtay waa wax lagu diirsan karo.”

Maxamed Xaashi ayaa ku tilmaamay hantidhawrka mid fadhiid ah“Hantidhawr wax la yidhaahdo oo shaqeeya oo jiraa ma jiraan sida runta ah umadda waxa uu ku yahay dulsaar waxaas oo  xumaan ahi ma dhaceen hadii hantidhawr jiro, xeer ilaalin iyo baarlamaan ay jiraan halka laga jabay ee xukumadii hore ay baabi’iyeen ee imikana ina haysataa waa sadexdaas haayadood oo xilkoodii gabay sida runta ah.”

HOOS KA DAAWO