Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyadda Maxamud Xaashi Cabdi Oo Shaqaalaha Wasaarada Hawlaha Guud Ka Hor Joogsaday In Ay Diiwaan Geliyaan Guri Uu Dawladda Kaga Jiro

0

Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Somaliland Dawaladii Madaxweyne Siilanyo ayaa shaqaalaha ku hawlan Diwaangelinta Hantida ma guurtada ee Qaranka ee Wasaaradda Hawlaha Guud ka hor istaagay inay gudaha u galaan dhismaha Gurigaasi oo ku yaala Magaalada Hargeisa.

Warar lagu kalsoonyahay oo kaso baxaya Wasaardda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta ayaa shegaya in Ciidanka ilaalada Guriga Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ay Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyanta ka hor istaageen inay Gudaha u galaann dhismaha Gurigaasi si ay u diwaangelayaan gurigaas uguna Daraan Hantida ma Guurtada ah Ee Qaranka.

Wararku waxay inta ku darayaan in markii shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ciidamada Ilaalada Guriga Wasiir Hore Maxamuud Xaashi Cabdi ay u ogalaan wayeen inay Gudaha u galaan si ay u Diwwangeliyaan una qataan Cabirka Gurigaas ay Dibada Guriga ka qateen Cabirkii sidaasna uu kaga Mid Noqday Guriga uu Magaalada Hargeisa ka Degan Maxamuud Xaashi Hantida Diwaanagashan ee Qaranka.

Gurigan uu magaalada Hargeisa ka deganyay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku yaala Dhulka Shacabka ee Magaalada Hargeisa Gaar-Ahaan kaso horjeedka Guriga Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo`waxaanu Gurigan ka mid ahaa Guryaha Dawladu leedahay eek u yaal Magaalada Hargeisa`Wasiirkii hore Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Gurigan dib u habayn iyo qalabayn ku sameeyay isla-maraakana dajiyay mid ka mid ah Xaasaskiisa.