Mujaahid Cali Guray Aragti Noocee Ah Ayuu Ka Qabaa Mucaaridad Lagala Hortago Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi?

0

siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo ka mid ah xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo mucaaridad lagala hor yimaado xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

Mujaahid Cali Guray oo qoraal uu kaga hadlayo xukuumada madaxweyne Muuse Biixi iyo mucaaradka daba tagaan ku baahiyey bogiisa Facebook, ayaa sheegay in mucaaridada xisbiyada ay dani ugu jirto madaxweynaha iyo xukuumadiisa.

Mujaahid Cali Guray ayaa qoraalka uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu u dhignaa sidan:-

Dadku markay isku dan yihiin waxay ku wada joogi karaan talo ay wada leeyihiin iyo wax ay intooda ugu badani heshiis ku yihiin ee aan in gaar ahina lahayn inta kalena laga lahayn. Sida

wax loo wada yeelanayo lafteedu waa inay tahay si heshiis lagu wada yahay ama inta ugu tirada badani ay isla ogolaadeen. Taasi waa sidii ay ku soo dhisantay maantana ay ku jirto Somaliland haddii kale halka ay maanta joogto may soo gaadheen.

Maanta marka aynu eegno dimuqraadiyadda Somaliland waa mid aan ka jirin dalal badan oo dunida ka mid ah oo la aqoonsan yahay oo waa wax ay bulshada caalamka oo dhami u qirsan yihiin.

Taas macnaheedu maaha inay wax waliba saxan yihiin wax qaldanina ma jiraan ee waa la ogyahay in wax badani ay weli qaldan yihiin gaar ahaan marka aynu eegno dhinacyada cadaaladda bulshada, awood qaybsiga iyo dawlad wanaaga oo ah nadaamka isxukunka.

Wax kastaa ha ka qaldanaadeene haddana Somaliland waxa lagu majiirtaa nabadgelyada ay haysato ee dadkeeda u suutogelisa inay danahooda ku kala foofaan si ay u hormariyaan noloshooda. Dawlad xumo way xun tahay laakiin waxa ka sii xun oo hoog ah dawlad la’aan waana sababta ay Somaliland dadkeedu ugu dulqaataan dhibaatooyin badan oo jira iyo wax badan oo ka maqan taas oo ay garwaaqsiisay waayoaragnimada ay leeyihiin ee ah in dawlad xumo ay u dhaanto dawlad la’aanta laakiin way jiri karaan arday ka saaqidday oo aan wixii soo maray iyagu cashar ka baranin.

Maanta siyaasadaha uu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ku hogaaminayo Somaliland wax badan oo ay dadka badankiisu sax u arkaan oo ay ku taageersan yihiin way jiraan hadana waxayaabo ay saluugsan yihiin baa iyaguna jiri kara.

Hadaba wixii dhinca sharciga awooda Madaxwaynaha ah dadku dabcan kaalinta ay ku leeyihiin waxay noqon kartaa talobixin ay tahay in madaxwaynuhuna uu tixgelintooda siiyo laakiin go’aamada kama dambaysta ah waxa iska leh madaxwaynaha.

Haa dadku waxay iyaguna xaq u leeyihiin inay sheegtaan tabashooyinkooda halka mucaaridkuna iyagoo xisbiyo ah ay xaq u leeyihiin in wixii dhaliilo ah ama galdaloolooyin ah ee maamulku leeyahay ama iyagaba uga muuqda ay sheegaan, weliba waana u fursad ay kaga faaiidaysan karaa xiliyada doorashooyinka hadii ay soo dhigaan wax ka hagaaagsan.

Marka ay mucaariddadu sidaa tahay waa sax madaxwaynaha iyo xukuumaddiisana waa u dan in mucaarid xisbiyaysani jiro dalkana waa u dan. Laakiin dhibaatadu waxay tahay marka mucaariddadu aanay xisbiyaysnayn ee ay reerawdo waayo mucaarid reer ah oo mucaaridaya reer kale waxba ma soo kordhinayo ilayn xisbi mucaarid ah oo maamul caaridayaaba markaa ma jirayo eh. Waxa run ah sida maanta xaalku yahay xukuumaddani ma laha mucaar ka soo horjeeda ninka reer caaridayaana maaha mucaaridkii saxa ah.

Ugu dambaystii Somaliland waxa heshiis lagu yahay in khilaaf kasta oo siyaasi ah xal nabad ah oo ku dhisan wada hadal, is qancin, iyo isu tanaasul uu noqdo. Ciddii iyadu xal ka doonta jabhad iyo qori caaradii halkan Somaliland kama shaqayso hore iyo dambaysaba