Xukuumada Iyo Ganacsatada Maamusha Haamaha Shiidaalka Oo Khilaaf U Dhaxeeyo Iyo Qiimihii Shiidaalka Oo Meel Sare Gaadhay

0

Khilaaf culus ayaa soo kala dhex galay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi iyo ganacsatadii maamulaysay haamaha Kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera.

Khilaafkan ayaa yimid ka dib markii uu madaxweyne Muuse Biixi uu soo saaray  wareegto  oo uu gacanta dawlada dib ugu soo celiyey haamaha kaydka shiidaalka ee magaalada Berbera oo ay xukuumadii hore ku wareejisay ganacsatada keenta shiidaalka.

Wararka ay helayso shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in Khilaafka xukuumada iyo ganacsatada maamusha haamaha Kaydka shiidaalka ee Berbera uu  salka ku hayo qaabkii  ay ganacsatadu u wareejin lahayd maamulka haamahaasi.

Warka ayaa intaasi ku daray in shirkadaha gacanta ku haya maamulka Haamaha Kaydka shiidaalka ee

Berbera oo ku midoobay shirkada Bog (Berbera Oil Group) ay xukuumada ka dalbadeen lacago ay sheegeen inay ku dayactireen qaar ka mid ah haamaha iyo  in loo fuliyo qodobo ku xusnaa heshiiskii ay la galeen xukuumadii hore ee xisbiga Kulmiye,kuwaas oo ay ganafka ku dhufatay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

Khilaafka xukuumada iyo ganacsatada maamusha Haamaha Shiidaalka ayaa meel adag maraya, iyada oo labada dhinac ay wax natiijo ah ku gaadhi waayeen kulamadii ugu dambeeyey ee ay kaga arinsanayeen wareejinta maamulka haamaha.

Ganacsatada ayaa ku doodaya inay maamulka haamaha gacanta ku sii hayn doonaan ilaa inta loo fulinayo waxyaabaha ay dalbanayaan, balse xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo ka cabsi qabtay in shirkaduhu ay kor u qaadaan qiimaha shiidaalka ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay shiidaal dalka keeni doonto, dhaawaaqaas oo loo fasishay mid ay kaga sii gaashaamanaysay qiime korodhh ay sameeyaan shirkadaha maamula haamaha Kaydka shiidaalku.

suuqyada shiidaalka ee somaliland ayaa caawa mar kaliya laga dareemay kor u kac ku yimid qiimaha shiidaalka, taas oo la dareensan yahay inay ka dhalatay khilaafka u dhaxeeya xukuumada iyo ganacsatada maamulka haamaha kaydka Shiidaalka ee magaalada Berbera.

qiime korodhka ku yimid shiidaalka ayaa ah mid si toos ah ay u sameeyaan shirkadaha ku midoobay BOG ee maamula haamaha, talaabadaas oo loo fasiran karo mid ay ku xumaynayaan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi oo khilaaf u dhaxeeyo

Qiime korodhka ku yimid shiidaalka ayaa la dareensan yahay inuu salka ku hayo xurgufta u dhaxaysa xukuumada iyo ganacsatada maamulka haamaha kaydka shiidaalka, iyada oo su,aali ka taagan tahay in xukuumadu fulin doonto dhawaaqii ka soo yeedhay ee ahaa inay dalka keenayso shiidaal, si uu hoos ugu dhaco qiimaha shiidaalku.

Suuqyada magaalada Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa kor u kaca mar kaliya ku yimid qiimaha shiidaalka, iyada oo halkii Litir ee Patrol-ka ahaa uu marayo 10,000 shilin(Toban kun oo shilin oo lacagta somaliland ah).

Dhinaca kale waxa jirta cabsi ay qabaan ganacsatada kaalmaha ee iibiya noocyaa kala duwan ee shiidaalku, taas oo salka ku haysa kala go ku yimaado shiidaalka.