Markabkii u Horeeyay ee ganacsi o Ethipia leedahay oo ku xidhay dekada CASAB ee Eritraria iyo Jabuuti

0

Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay Itoobiya ayaa ku xirtay dekadda Eritrea ee Masawa 20 sano ka dib, sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xiriir la leh dawladda.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wadahadal la leh madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii Luulyo kala sixiixdeen in la soo afjaro colaadii dhex taalay labada dal.

Booqashadan ayaa loo arkaa in ay muhiim u tahay dadaaka ay Itoobiya oon bad lahayn ku doonayso in ay ku adeegsato dakadaha Eritrea markii u horraysay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii xadka u dhaxeeyay ee labada dal dhex maray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, kaas oo galaaftay tobannaan kun oo ruux.

Markabka ayaa ka yimid Sucuudiga, sida ay Twitterka ku baahisay warbaahin gaar loo leeyahay.