Siyaasiyada Faadumo Siciid oo Madaweynaha Ku Dhaliishay in Aanu Qaadan Tallooyinka Loo Soo Jeediyo

0

Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah saraakiisha ugu sar-sarreysa Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ,ayaa Madaxweynaha ku dhaliishay in uu dhegaha ka fureystay tallooyinka ay u soo jeediyaan siyaasiyiinta iyo dhammaan ba haldoorka kala duwan ee Somaliland iyada oo sida oo kale na aad u dhaliishay wax-qabadka Xukuumadda muddadii ay jirtay oo ay tilmaantay in aanay jirin san-saan Xukuumaddeed oo muujinaaya in ay hore u socdaan hawlaha wax-qabad ee qaranku.

Marwo Faadumo Siciid, ayaa hadalkan ku sheegtay wareysi gaara oo ay siisay Wargeyska Waaberi, waxaana ay ugu horreyn aad uga sheekaysay meelaha ay Xukuumaddu ka gaabisay in ay wax ka qabato iyada oo sida oo kale na ku dhaliishay dagaalka Tukaraq oo ay sheegtay in la
qaadey wakhti deg-dag ah oo aan munaasib ku ahayn hawlaha shaqo ee hor yaala Somaliland.

“Xukuumaddani 8-bilood ah bay xilka haysay, wakhtigaas na halkii ay siin lahayd sii ay xanaftii doorashada loogga bogsan lahaa ee dadka la iskugu keeni lahaa, sicir-bararka na xoog loo saari lahaa, arrimahii dibadda na qorsheyaal cusub loo sameyn lahaa, wada-hadaladdi Somaliland iyo Somaliya na kama fursaneyso e’ siddii loo furi lahaa iyo sidii loo wajahi lahaa iyo in ay noqoto wax qaranka ka yimi oo xisbiyada siyaasadda iyo baarlamaanku ba ay doorkooda uga qaadan lahaayeen ay u eegi lahayd se waaba tii iyada oo aan Afartan bixin ku dhaqaaqdey dagaalkii Tukaraq, taasi na waxa ay noqotay wax khasaaraheedii wata oo wakhtigan imika ah in aynu galno horta may ahayn, sicir-bararkii na imika halkiisii uun buu taagan yahay, laakiin taana tallaabooyin khaldan bay iyaga na ku qaadeen, maceeshaddii cirkay sii koreysaa oo wax soo dega ba ma aragno oo aanu ka baqaneyno in maalin dhow sarajooga la isku cuni doona ba, waxa kale oo jirta oo inagu bilaabmay wax aynaan habeen iyo maalintoona maqal oo jabhad ah oo inagii aynu gudaheenii isku jabhadeynay taasi na wax weeye khalad weyn oo inagu aynu madaxtooyaddeenii ay gashay oo wax walba waxa uu lee yahay wakhti qabasho ah oo maalintii arrinta Ceel-afweyn la galay bay ahayd in arrinta Caare na la galo, maanta na kama fursaneyso in Madaxweynahu la yimaado siddii uu u soo dabbaalayey arrintaasi iyo wixii uu ku soo hoyn lahaa ba in uu la yimaado, waayo ciidan Somaliland ah oo inaga tallaaba oo meel kale inaga mara oo cadow la soo safta awood uma heyno, ceeb iyo fadeexad na way inagu tahay, midda kale na waa ay noqoneysaa hoy ciddii cadhootaa ba ay tegi doonto sida oo kale na uu cadowgu innoo soo adeegsan karo.”. Ayey tidhi Marwo Faadumo

Marwo Faadumo Siciid oo sida oo kale hadalkeeda si wadata, ayaa Madaweynaha ugu baaqdey in uu dhegaha u furo cid kasta oo odhaneysa kelmado nasteex u ah Somaliland isla mar ahaantaana uu dhageysto hadalada ka soo yeedhaya Mucaarad iyo Muxaafad ba, waxaana ay tidhi:-

“Dhinaca kale na arrimahii dibadda na sida ay u dhan tahay waa la soo furfuray oo furfur ay u jeedaan oo ay wax furfurayaana illaa hadda ma aragno, markaa ma lihin durba xukuumaddu wax weyn ha qabato se waa in saan-saankeedii aynu aragno , midda kale Madaxweynahu waa in uu dadka u furo dhegan uu fureystay oo uu dadkiisa maqlaa, umadda u ehelka ah Somaliland ee ka naxaaya ee Mucaarad iyo Muxaafad ba leh waa in uu dhegaha u furaa, oo waa in aynu qaranimaddeena adkeyno weeyaanee maaha in aynu qaranimaddeena hoos u dhigno, markaa maanta oo kale waxa loo baahan yahay in uu dhegaha u furo Mucaarad iyo muxaafad ba iyo cid Allaale iyo ciddii Somaliland ka naxaysa ba in uu dhegahiisa u furo oo uu talada na badsado.”.