Tan iyo intii aay shirkada Dp World la wareegatay maamulka dekada Berbera  wali waxaa taagan is afgaran waagii ka   Dhexeeyay Ururka  Muruqmaalka ah ee  Salfadooranka ahna  raga wax dejiya waxna roga dekada berbera  tiradooduna lagu qiyaasay 500 oo qof,

0

Tan iyo intii aay shirkada Dp World la wareegatay maamulka dekada Berbera  wali waxaa taagan is afgaran waagii ka   Dhexeeyay Ururka  Muruqmaalka ah ee  Salfadooranka ahna  raga wax dejiya waxna roga dekada berbera  tiradooduna lagu qiyaasay 500 oo qof,

Dhowrkii Todabaad ee Ugu danbeeyayna waxaa jiray Khilaaf Xoogan oo sii kala  dhex galay  maamulka Shirkada Dp World iyo Gudida Gaarka ah ee maamusha Shaqaalahan Muruq maalka ah [Salfadooranka ] dekada berbera  iyadoo is mari waagii ugu xumaana uu dhexmaray maalintii shalay ahayd oo aay si toosa fooda isku dareen  xafiiska dp world gudihiisa, wadhadalka foolka foolka ahaa ee shalay dhex marayna labada dinac ee kala ah masuuliyiinta  muruqmaalka iyo madaxda shirkada dp world ayaa sida aanu ilo xog ogaal ah oo Goob jooogna ka ahaa kulnakaaa aay HWN   sheegeen in  masuuliyiinta muruq maalka dekada berbera dalbadeen in  dp world fuliso heshiis sagaal qodab ahaa oo aay hore uakala saxeexdeen labada dhianc kaas oo u qornaa sidan

  • Qofka gaboobay+Waashay6ama xanuun aanu ka shaqayn Karin kazoo daro waxaa u shaqaynaya bedelkiisa cida u ah ehelkiisa
  • Qofka shaqada Ku Dhawacmaa Wuxuu Leeyahay Masaariiftiisa iyo dawadiisa iyo Mushsharkiisa uu qaadan Jiray oo aan waxba laga jarin inta uu bogsanayo marka uu bogsadana shaqad ayuu toos u galayaa
  • Qofka ku Dhinta Shaqada waxaa loo qorayaa ehelkiisa geerida dabadeed
  • In mushaharku noqdo ka warqada ku qoran oo bilkasta ah joogto
  • In qofku leeyahay caymis laguna daaweeyo wadanka dibadiisa hadii an gudaha waxba lagaga qaban Karin
  • Qofku wuxuu yeelanaya bil fasaxa sanadkii iyo gunada labada ciidood
  • Qofku Wuxuu Leeyahay baadhitaan caafimad oo dhamaystiran sanadkii
  • Qofku wuxuu shaqaynaya 24 saacadood 8 kamida
  • Shaqaaluhu waxay helayaan tabobar gudaha iyo debadaba ah.

Hadaba Arinkan ayaay ka Gows Adaygeen Masuuliyyinta Shirkada Dp Worl Sida Illo Wareedyo Xog Ogaalihi Sheegayaan  Dp World waxay doonaysay in  heshiis aan kan ahayn  oo dhabarku muuqdo in aay ka saxeexdo shaqaalaha muruqmaalka ah ee ururka  salfadooranka dekada berbera,

Dhanka kale Kulan adag oo manta dhex maray mar labaad ayaan wax natiijo ahi kazoo bixin