Imaraadka oo Shaciyay in wadmada aay Maalgashadeen aay Somaliland kaga Jirto nambarka Afraad sanadkii 2017kii

0

Qoraal ay baahisay dowlada Imaaraadka carabta ayaa waxaa lagu soo bandhigay wadamada ugu badan oo ay maalgashteen sanadkii tagay ee 2017.

Dowlada Imaaraadka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay maalgashi weyn ay ku sameysteen wadamada Sacuuduga, Canada iyo dalka India oo lagu kharaj gareeyay dhaqaalaha ugu badan oo ay bixiso Imaaraadka.

Qoraalka oo si gaara uga soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in wadanka koowaad ee ay maalgashtay inuu yahay Sacuudiga, halka wadamada Canada iyo India ay galeen kaalmaha labaad iyo Sadaxaad.

Kaalinta afaraad ee maalgashiga ayaa lagu sheegay inay gashay Somaliland oo laga maalgaliyay dhinacyada Dekadda iyo Ganacsiga furan oo ay la leeyihiin Imaaraadka sida dhoofinta Xoolaha nool.

Kaalinta Shanaad ayaa la sheegay inay gashay Masar oo laga maalgaliyay dhanka Ganacsiga, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay Wasaarada.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in maalgashi xaddigiisu gaadhayo $ 0.86 Bilyan ay geliyeen maamulka Somaliland, halka $ 0.36 Bilyan ay geliyeen dalka Masar, inkasta la saadaalinayo in sannadaha soo socda uu kordho maalgashiga Imaaraadka Carabtu gelinayaan Somaliland iyo Masar.

Warbixinta wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka laguma sheegin meelaha hantida maalgashigooda Somaliland ku baxday balse waxaa la og soonyahay in maalgashiga ugu badan lagu sameeyay horumarinta dekedaha, dhismahaasha, macdanta, tamarta la cusboonaysiiyey, arrimaha ganacsiga iyo dhinacyo kale.

Geesta kale, dowlada Imaaraadka ayaa xustay in sanadka lagu guda jiro ee 2018 ay kordhin dhanka maalgashiga ah ku sameyn doonaan goobo kale oo kamid ah Somalia oo ay ku bixin doonaan hantida ugu badan.