Siyaasi jamaal Cali Xuseen oo Su Murugo Leh Uga hadlay xaalada Caafimad ee Cali sandule

0

siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah saraakiisha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay xaalada daryeel la,aaneed ee soo foodsaartay Cali Sandule oo ku xanuusanaya magaalada Hargeysa.

Jamaal Cali Xuseen oo qoraal uu kaga hadlay xaalada Cali Sandule  ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay in guud ahaan qaranka somaliland ay ceeb ku tahay daryeel la,aanta haysata Cali Sandule.Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya xaalada Cali Sandule ayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi “Jimce Mubaarak. Qofkastoo damiir lihi wuu ka damqanayaa muuqaalkan arkay xalay ee ahaa Cali Sandule Oo xanuunsanaya. Cali Sandule waan u duceynayaa Ilaahayna caafimaad degdeg hasiiyo; waxaan qirayaa laakiin Somaliland inay tahay meel u daran qofkeeda wanaagsan ninkeeda xuna u koolkoolisa Oo tuugta siyaasadda daryeesha, qofkeeda jecelna cidla kaga dhaqaaqda; waa ayaan daro in maanta Cali Sandule ku dhex xanuunsanayo Oo aanu gargaar haysan. Kuligeen ceeb bay inagu tahay hadaan arrinkaa shicib, baayacmushteri iyo dawladiba u kicin.