Xildhibaan Golaha wakiilada Somaliland ah oo Xukuumada Somaliland ka dalbaday Inay Ruqsada Kala Noqdo Shirkada SOMCABLE Oo Hore Kooto Loogu Xidhay Internetka Viper Optic

0

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Nac oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay inuu laalo islamarkaana uu meesha ka saaro Heshiiska Shirkadda Somcable ee Kootoda ku haysata Xadhiga Internet ee dhulka hoostiisa mara ee Viper Optic-ga oo ay hore Xukuumaddii hore ee Daahir Riyaale gaar ugu xidhay Ganacsade reer Jabuuti ah.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Nac ayaa sidan ka sheegay Rayi Ururinta ay BBC-du shalay ka qaaday  qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland oo ku saabsanayd sida ay u arkaan go’aankii uu shalay soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi ee uu ku tirtiray heshiisyo gaar ah oo ay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo gashay,waxa uu Xildhibaan Nac nac ku hambalyeeyay Go’aansi waxaana uu sidoo kale Madaxweynaha u soo jeediyay inuu isna tir tiro Heshiiska Kootada ah ee ay Xukuumaddii Daahir Riyaale ugu xidhay Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi ee xadhiga internetka ee Dhulka hoostiisa la mariyo.

Xildhibaan Nac Nac ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa sidan“Aniga oo Xildhibaan Maxamed Diiriye Nac nac ah,Talaabada uu Madaxweynuhu qaaday waan ku hambalyaynaynaa,Waxaanan leeyahay waxaa kuu hadhay Cable-kii Kootada laga dhigay,oo ay ahayd inay Tijaaraddu inay Xor noqoto,oo taasina aad nagu soo celiso,Berigii “Hadii aanu nahay Baarlamaanka” waa lana dhaafiyay,laakiin taasna waanu ku hambalyaynaynaa Madaxweynaha talabaadaasi uu qaaday ee uu Haamihii Shidaalka ula wareegay,aad iyo aad ayaanu ugu hambalyaynaynaa arintaasi iyo waxyaabaha kale ee uu la wareegay”.

Shirkadda Somcable oo ah shirkadda Xadhigan ka soo jiidatay Dalka Jabuuti ee Xildhibaan Nac Nac ugu baaqayo Madaxweynaha inuu heshiiskaasi buriyo maadaama oo uu Dastuurkeenu dhigayo inuu ganacsigu xor yahay oo aan cid gaar ah Shay kooto loogu xidhi Karin, ayaa waxa iska leh Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi oo ay Saaxiibo dhaw  iyo Qaraabo dhaw yihiin Madaxweyne Muuse Biixi,Waxaanu ganacsadahani door weyn ka soo qaatay islamarkaana uu olole culus oo malaayiin lacag ahi kaga baxday uu u soo galay Sidii uu Madaxweyne Muuse Biixi kursiga dalka looga arimiyo ugu fadhiisan lahaa,waxaanay dad baddani u arkaan soo jeedimahan iyo baaqyadani lidiga ku ah shirkadan kuwo aan ka suurtoobayn dhinaca Muuse.

Waxa loo sibir saaraa dadaalkii uu Ganacsadahani u soo gala Xisbiga KULMIYE inuu mar kale talada dalka ku guulaysto mid uu ku illaashanayay danihiisa Ganacsi iyo kootada shirkadda Viper Optica ee Somcable oo culays badani kaga imanayo shirkadaha internetka ka ganacsada ee waa weyn oo dagaal hor leh illaa imika ku haya islamarkaana baadi goobaya hanaankii kootadaadi meesha looga saari si ay u soo jiitaan xadhig Viper Optic ah oo afkiisu saaran yahay Bedda Dekeda Berbera.  Waxa uu u soo jeediyey Madaxweynaha in uu furo internetka Fiber Optic-ga.