Sirdoonka Ethiopia oo Helay Waxyaabo qarxa oo Lagu Qariyay Biriij Hoostii Gobolka Tigreega,

0

Warbaahin maxalli ah ayaa kusoo warrantay in boqolaal hub ah lagu qabtay waqooyiga Itoobiya.

Mas’uuliyiin ku sugan gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya waxay sheegeen in meel buunddo ah hosteed ka heleen ilaa 425 alaadaha qarxo oo lagu qariyay halkaasi.

Hubka ayaa la sheegay in la qorsheyanayay in loo daabulo caasimmada gobolka Tigreega ee Mekele.

Mana cadda waxaa la doonayay in loo adeegsado waxyaabahan qarxa.

Tirada bulshada qowmiyadda Tigreega ah ayaa ah mid yar dalka Itoobiya marka loo barbardhigo bulshooyinka kale, xisbiga Tigreega ee TPLF ayaa muddo tobbonaan sanno ah hoggaaminayay dalka Itoobiya.