Sarkaal sare oo iska asilay madaxtooyada Somaliland

0

Ambasadoor Cabdirisaaq Af-qaraf oo ka mid ahaan jiray saraakiisha Hab Maamuuska Madaxtooyadda Somaliland ayaa galabta Shaaciyay in uu xilkaasi iska casilay.

Iscasilaadiisa ayuu u sibbir saaray ka dib markii sida uu sheegay uu arkay nidaam xumo ioy habacsanaan ka jirta Madaxtooyadda Somaliland.

“Waxa aan maanta doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in aan iska casilay xilkii aan ka hayay Waaxda Hab Maamuuska Madaxtooyadda Somaliland, waxaanay iscasilaadaydu ay timid markii aan arkay nidaam xumo ka jirta madaxtooyadda.

Waxaana runtii igu adkaatay in aan halkaasi ka sii shaqeeyo, waxaana igala soo kulmay caqabada badan, waxaanan u gudbiyay warqada shaqo ka tagistay madaxtooyadda.

Waxaanan jecelahay in aan talo u soo gudbiyo madaxweynaha waxaanan leeyahay madaxweynuhu waa in uu hoos u eegaa, waxaanad moodaa in ay dad gaar ahi kooto ku qabsadeen, waxaana adkaanaysa in ay dadku dhex galaan dadkan kootada ugu jirto, waxaana muddo saddex bilood ah oo aan shaqaynayay igu adkaatay in aan tuso in meesha dadku wada leeyihiin, laakiin way adkaatay” ayuu yidhi Cabdirisaaq Oo Startv u waramayay.