Halkee Iyo Xaaladee Ayuu Ku Sugan Yahay Madaxweynihii Hore Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya?

0

Madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa ka waramay xaalada uu ku sugan yahay madaxweynihii 8-da sanadood xilka hayey ee is casilay md Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha cusub Axmed Cabdi Maxamed oo la hadlay BBC-da  ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu wali hogaanka u hayo siyaasada dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya, isaga oo xusay in sababta uu baneeyey kursiga madaxweynenimo ay tahay in la abuuro jawi lagu wada hadli karo.

Madaxweynaha cusub oo ka hadlaya xaalada Cabdi Maxamuud Cumar ku sugan yahay ayaa waxa uu yidhi “Waa uu fiicanyahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna

waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga,anagu xisbi baan ahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay”.

Mar la waydiiyey waxyaabaha laga filan karo madaxweynihii ka horeeyey iyo halka uu dambayn doono ayaa waxa uu yidhi “Madaxweyne hore, ixtiraam badane ay bulshada u hayso, dadkuna wax waa isku qaban karaan, Soomaalida dad anaga wax naga tabanaya waa ay jiraan, waa qof Itoobiyaan ah oo dalkiisa iyo dadkiisa dhex jooga, Addis Ababa ayuu tagi karaa, Jig Jiga ayuu joogi karaa, gobolada ayuu ku noolaan karaa”.