Rabshadihii Gaan ka hadalka ahaa ee Diridhaba oo Lagu Dilay 9 Qof o Reer Jabuuti ah waxana Loo Dilay Qoomiyad ahaan

0

Ugu yaraan sagaal qof oo u dhalatay dalka Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, sida ay dad goob joogeyaal ah u sheegeen BBC.

Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kalana taliyaha Ciidammada Booliska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay in laba qof oo Oromo ah lagu dhaacay gudaha dalka Jabuuti.

dhinaca kale Magaaladda Djabouti ee xarunta dalkaasi Jamhuuriyadda Djabouti ayaa lagu soo waramayaa in laba qof oo u dhashay Qoomiyadda Oromada lagu dhaawacay Magaaladaasi.