Itoobiya oo wadahadal la yeelanaysa jabhadda xoreynta Oromada

0

Dowladda Itoobiya ayaa wufuud heer sare ah u dirtay dalka Eritrea si ay wadahadallo ula qaataan xubnaha ururka OLF ee ku sugan Eritrea, sida ay kusoo warramayso wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Wufuudda waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu iyo madaxweynaha maamulka Oromada Lema Megersa, waxaana la filaya inay kulan Asmara kula qaataan hoggaamiyaha ururka OLF Dawud Ibsa.

Balse waxay u muuqata inaysan aqbalin baaqii ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee ahaa in dhammaan ururada mucaaradka ee dibad jooga ah inay dib ugu soo laabtaan Itoobiya si ay uga qayb qaataan isbaddalada dalkaasi ka socdo.

Ururka xoreynta Oromada ee OLF ayaa in muddo ah dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna doonayaan in gobolka Oromada u ka go’ Itoobiya inteeda kale.