Osama Bin Laden Wiil Baari ii ah Ayuu Ahaa,Waxaana la Duufsaday Markii uu ku Birray jaaamad ku taal Suuudiga, Hooyada Bin Laden oo Markii ugu Horaysay la hadshay warbaahinta Caalamka,

0

Waxaa markii ugu horreysay hadashay hooyada dhashay hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Bin laden hooyadii ayaa waxay sheegtay in wiilkeeda uu ahaa mid wanaagsan balse la duufsaday markii uu waxbarshada ku jiray islamarkana xagjir laga dhigay.

Wareysigii ugu horeyay oo ay siisay wargayska Guardian, ayay Alia Ghanem waxa ay sheegtay in uu wiilkeeda isbadalay markii uu ku biiray jaamacad ku taalla dalka Sacuudiga.

Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digi jirtay in uu ku biiro kooxahan.

Bin Laden ayaa la rumaysan yahay in uu isaga amray weerarkii 9/11, 2001 lagu qaaday Mareykanka iyo waliba howlgalo meelo kale oo caalamka ka dhacay.

Balse hooyadii ayaa sheegtay in uusan waligii u sheegin waxyaabaha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii.

Hooyada Bin Laden waxay Xiligan ku Nooshay magaalada Jidah ee dalka Sacuudiga, Qoyska Reer Bin Laden waa Qani ama Maalqabeeno  ku Dgaqan dalka sauudiga,