Guddoomiyaha shirkadda DP World,ย Sultan Ahmed Bin Sulayem Aya Shaaciyay in Heshiiskii Aay la galeen Somaliland uu ahaa Mid Sharciga waafaqsan

0

Guddoomiyaha shirkadda DP World,ย Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa shaaciyey inayย ย nidaamย ย sharci ah u mareen heshiiska maalgashi ee ay ku ballaadhinayaan dekedda magaalada Berbera.

Guddoomiyaha Shirkadda DP World, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu shalay la hadlayey telefishanka Maraykanka ee CNBC oo wakaallada wararka ee SOLNA soo xigatay,ย  waxaanu shaaciyey in aanay jirin sababย ย heshiiska ay la galeen Somaliland ula doontaan Soomaaliya, maadaama oo dekedda Berbera ay ku taalo Somaliland.

Sultan Ahmed Bin Sulayem, wuxuu caddeeyey in

Somaliland iyo Soomaaliya ay horeย ย isku raaceen inaan la siyaasadaynin arrimaha dhaqaalaha, Guddoomiyaha Shirkadda DP Worldย ย wuxuu intaas ku darayย ย inay heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland ahaa mid sharci ah.

Dawladda jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda DP Worldย ย ayaa heshiis lagu casriyeynayo dekedda Berbera kala saxeexday Bishii May sannadkii 2016kii. Hadalkan Gudoomiyaha Shirkada Dp World ayaana Kusoo Beegmaya iyadooo la Filayo Bisha September ย La Bilabayo Dhisida Dekad 400m ah oo lagu balaadhinay ย dekada hada dhisan ,