ONLF: Farmaajo Raali Gelin ayuu ka Bixiyay Dhiibistii Qalbidhagax

0

Kulan ay yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Ururka ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cusmaan uu sheegay in dawladda Somalia ay raali-galin ka bixisay dhiibistii Qalb-dhagax.

Admiral Maxamed Cumar ayaa dhinaca kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu u aqoonsan yahay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in Ururka ONLF yahay urur xaq u dirir ah.

Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax ayaa sannadii hore dowladda Somalia u gacan gelisay Ethiopia, balse dhammaadkii bishii hore ayaa xabsiga Ethiopia laga sii daayay.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa wareystay Admiral Maxamed Cismaan.