aysal Markii loo taag-waayay Taageerada uu Shacbiga ka Helay Waxay Ku Soo Ururtay 4%”. Siyaasi Cali Gurey

0

-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo ka tirsan Saraakiisha sar-sarre ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa Sheegay inaanu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe aannu ogolayn in Xisbiga UCID uu noqdo Xisbi qaran oo taabbo-gal ah, waxaannu ku sifeeyay qof aan lagu qancin karin innuu banneeyo booska guddoomiyenimo ee Xisbigaas.

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo qoraal koobban oo uu boggiisa facebook-ga soo dhigay, waxa uu ku sheegay in doorashaddii ugu danbaysay ee Madaxtooyadda uu helay codadkii dalka oo dhan 4%, waxaannu sheegay in kulankii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo aannay ujeedadiisu ahayn innuu wax xumeeyo, balse uu taagtiisa is lahaa waxtar, waxaannu yidhi

Faysal Hore Ayuu u diiday In UCID Uu Yahay Xisbi Qaran. Markii loo taag waayay taageerada uu shacbiga ka helay waxay ku soo Ururtay 4% wax u soo kordhi karaa ma jiro wax ka sii dhaca mooyaane. Laakiin doorashada Wakiillada iyo deegaamadda oo inay qabsoomi karaan fursadda lagu qiyaasi karo 30% haddiiba ay qabsoomaan wuxu noqon karaa Xisbiga kor u kaca ugu badan sameeya, taasina maaha taageero u soo kordhi doonta Faysal ama UCID ee waa fursadda tartanka oo Musharixiinta ku soo hungowda labada Xisbi ee kale ayaa Xisbi madhan oo Musharixiin u baahan heli doona taas ayaa fursad waxoogaa kor u kaca uu ka heli doonaa.”

“Laakiin su’aashu waxay tahay muddadii Xisbiyada qaranka ee shanta sanadood ahayd waa tii laga dhigay tobanka sanadood oo ku eg 2022 oo ah xiliga ay doorashada Madaxtooyadu ku beegan tahay. Hadii doorashada golayaasha deegaanka oo sida muuqata markan ay Saddexdan xisbi uun tartami doonaan markii ugu horaysayna ay noqonayso ee Saddex xisbi oo keli ah ay u tartamaan kuraasida golayaasha degaamada taasi waxay sedexdan xisbi siinaysaa in doorashada madaxtooyada ee 2022ku hadii ay wakhtigeeda ku qabsoonto ay sedexdan xisbi uun noqonayaan kuwa tartami doonaa waayo 2024ka ka hor ma qabsoomayso doorashada golayaasha degaanada ee tan ka dambe taasoo ah in sedexdan xisbi ay heli doonaan muddo kordhin laba sanadood ugu yaraan ah.

Haddaba, Faysal waxa adag sidaa loogu qancin karo iska daa guddoomiye-nimada oo qof kale uu ku wareejiyo eh sida looga dhaadhicin karo mar afraad adigu isma soo sharaxaysid sharci iyo sharci darroba. Markaa musharaxa UCID ee 2022 isaga ayuun baa taagan.

Arinta imika la wad-wado ee la leeyahay Farmaajo ayuu la kulmay haba yaraato eh maaha wax uu Somaliland wax ugu dhin is leeyahay, taaga wax baad taraysaa buu u haystaa. Wax kalena maaha keliya waa belwad uu lahaa wax u cusubna maaha.”