Maareeyihii biyo xireenka Abay ee dalka Itoobiya oo isaga oo mayd ah la helay

0

Ninkii madaxda ka ahaa biyo xireenka wayn ee Abay ee dalka Itoobiya ayaa isaga oo mayd ah oo garigiisa ku jira laga helay fagaaraha Masqal Adhababay ee ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa, booliiska ayaana baaritaanno billaabay.

Waa kuwan qaar ka mid ah sawirrada laga soo qaaday goobta maydkiisa laga helay.