India oo qorshaynaysa inay 18 safaaradood ka furato Afrika, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalka Narendra Modi.

0

Hadalkaas ayuu Mr Modi ku soo qaaday khudbad uu u jeedinayey baarlamaanka Uganda, waana markii ugu horreysay ee uu baarlamaanka dalkaas la hadlo ra’iisul wasaare Hindi ah oo xilka haya.

Wuxuu soo dhaweeyey siyaasadda madaxweyne Yoweri Museveni ee ah in dadka Aasiyaanka ah ee Uganda u dhashay ay dib u soo noqdaan, ka dib markii dalka laga cayriyey tiro badan oo dadkaas ka mid ah xilligii uu xukunka hayey Idi Amin, sannadihii 1970 meeyadii.

“Dadkeenna waxaa ka mid ah qaar badan oo isku xiraya Uganda iyo India” ayuu Mr Modi yiri.

“Hogaamintaada aragtida leh ayaa ka caawisay dad reer Uganda ah oo asalkoodu yahay Hindi inay dib u laabtaan oo dalkooda dhistaan” ayuu ku yiri Mr Museveni.

India waxay sare u qaadi doontaa maalgashigeeda Afrika, waxayna suuqyadeedu u furnaan doonaan dalalka Afrika “si loogu fududeeyo, loona soo jiito inay ganacsi la yeeshaan India” ayuu yiri Mr Modi.

Wuxuu intaa ku daray in 6000 oo Hindi ah ay ka shaqeyaan hawlaha nabad ilaalinta Qaramada midoobay ay ka waddo Afrika. In ka badan 160 nabad ilaaliye ayaa naftood ku waayey ayagoo hawlahooda gudanaya, waana tiradii ugu badnayd ee dal mar qura uga dhimata hawlgal nabad ilaalineed, sida uu sheegayo Mr Modi.

India way idiin shaqayn doontaa, wayna idinla shaqayn doontaa; waxaan idinku dhinac taagannahay hammigiinna. Waan idiin hadlaynaa waana wada hadlaynaa” ayuu ku daray Mr Modi.

Wuxuu sheegay in seddex meelood oo laba dadka India iyo Uganda ay dad’doodu ka yar tahay 35 sano, “haddii mustaqbalka uu dhallinyaradaas faa’iido u leeyahayna waxaa iminka la joogaa wakhtigii la dhisi lahaa” ayuu yiri.

Mr Modi wuxuu kaloo daboolka ka qaaday qorshe lagu dhisayo xarun dhaqan, taasoo loogu magac daray ninkii ololaha u galay ka hor tagga gumaysiga ee India, Mahatma Gandhi, waxaana laga dhisi doonaa magaalada Uganda ku taalla ee Jinja oo ah halka uu ka soo billowdo wabiga Niil.