Heshiis Qarbo qarbo ah oo Laga gaadhay dadkii la xanibay ee xashka tagi lahaa

0

Wasaaradda  Aawqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya iyo shirkadaha diyaaradaha ee ka daneeya ama ka ganacsada arimaha Xajka ee sanadkan 2018-ka,ayaa waxa ay hehsiis ka gaadheen khilaafkii ka dhashay arimaha xajka.

Ku simaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa shaaciyey in madaxda shirkadaha duulimaadyada ay go’aan ka gaadheen khilaafkii ka dhex oognaa, isla markaana shan shirkadood ay sanadkaan duulimaadyada ka qeyb qaadan doonaan.

Laba ka mid ah ayaa loo ogolaaday in ay degaan Sacuudiga, oo ah kuwii hore xajka u tagi jiray, Daallo & Jubba Airways,halka saddexda kale ee ku soo biiray qadiyadan ay xujeyda geynayaan Jabuuti iyo Kenya, halkaasi oo ay ka qaadayaan shirkadda diyaaradaha Sacuudigu.

Sanadkaan Soomaaliya waxaa loo ogolaaday in ay ka baxaan 9,300 oo qof.

Farxaan Sheekh Maxamuud oo ah sarkaalka safaaradda Soomaaliya ee loo xil-saaray arimaha xajka, ayaa waxa uu sheegay in shanta shirkadood ay duulimaad labo ka mid ah sida Jubba iyo Daallo ay si toos ah Muqdisho uga qaadi doonaan, halka saddex kale oo ku soo kordhay ay geyn doonaan xujeyda Nairobi iyo Jabuuti.

Si kastaba murankii ka dhashay arrimaha xajka ayaa sababay in ay xilalkii  ku waayaan wasiirkii awqaafta iyo arrimaha diinta iyo maareeyihii duulista hawada.