NIGERIA, Nin AAminsanaa In Aan xabdu Dili karin oo Khurfaadle ah ayaa Amray In lagu Tijabiyo xabad Nool kadibna

0

Nin isku caleema saaray inuu yahay dhakhtar dawo dhaqameedka yaqaanna, dalka Nigeria, ayaa dhintay ka dib markii mid ka mid ah macaamiishiisa uu ku tijaabiyey in xabbad rasaas ah oo nool ay dili karto, isagoo ninkaas khuraafaadlowga ahna isa soo mariyey wax uu sheegay inay “xabadda ka celinayaan”

Chinaka Adoezuwe oo 26 jir ah ayaa dhintay, ka dib markii uu nin amar ku siiyey inuu rasaas ku soo rido, isagoo qoortana wax marsaday.

Booliska gobolka koofur bari ee Imo waxay sheegeen in ninkii xabadda riday la xiray, sababo la xiriira shaki galay.

Khuraafadka noocaas ah ayaa caan ka ah Nigeria, waxaana dhakhaatiirta dawo dhaqameeka yaqaanna loogu tagaa inay dadka ka caawiyaan dhibaatooyin ay xal u doonayaan.

Laakin waxaa jira dhowr warbixinood oo sheegaya dad la dilay, ayagoo la tijaabinayo “inaysan xabbaddu karin”, kuwaasoo wax soo marsaday.

Nin ayaa u tegey ninka dawo yaqaanka ah si uu ugu diyaariyo wax xabbadda ka celiya, dawo yaqaankiina wuu sameeyey” sidaa waxaa wargayska the Punch Newspaper u sheegay qof tuulo joog ah.

“Si uu u muujiyo waxtarka ay leedahay dawada uu qasay, isagii ayaa inta istaagay ninkii u dhiibay qori. Masiibadii ayaa markaa dhacday” ayuu sii raaciyey.

Bishii Janaayo, nin dawo dhaqameedka yaqaanna ayaa xabsiga la dhigay, ka dib markii uu nin siiyey dareere la cabo “oo rasaasta ka celiya”, ka dibna toogasho ayuu ku dhintay.

Ninka waxaas soo qooshay, oo deggan koofurta galbeed ee Nigeria, ayaa ka dhaadhiciyey inuusan dhimanayn haddii xabbad lagu soo rido.