Midowga Yurub oo u Digay dawlada xamar eee u Hogaamiyo farmaajo

0

 

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay ku xadgudubtay Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana mudaddii ay jirtay geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha.

Kulan yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu meelmariyay Qaraar ka hadlaya in dowladda Soomaaliya ay hareer martay Hanaanka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,islaamrakana ay jiraan Xadgudubyo loo geystay dad Shacab ah.

Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka gaadhtay heerkii ugu hooseeyay Xoriyatul Qowlka, Waxaana Baarlamaanku sheegay in ay jirto Caburin lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliso Xuquuqda Aadanaha,islamarkaana hadii ay dhici weyso ay ka fiirsan doonaan taageeradda la siiyo Soomaaliya,iyagoo si deg deg ah ugu baaqay in la saxo qaladaadka jira.

Sidoo kale Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay maamul goboleedyadda in ay geysteen Bilihii lasoo dhaafay Xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo ay ugu horreyso caburinta Wariyaasha.