Dawladda Ingiriiska oo Baarlamaankeeda u Sharraxday Iskaashiga ka Dhexeeya Somaliland

0

Fadhigii Baarlamaanka Britainย  ee khamiistii shalay ayaa lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanaย  Wasiirka Kaalmada dibadda u qaabilsan Britain,ย  Penny Mordaunt, wax laga weydiiyey sababtaย  Ingiriisku u taageeri waayey Somaliland ooย ย  saaxiibtinimo soojireen ahi ka dhexayso.Siday baahisayย  wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, Xildhibaanย  Bob Stewart oo ah Mudane laga soo doortoย  degmadaย  Beckenham oo ku taallaย  koonfur bari ee magaalada London, kana tirsan xisbiga Conservative Party,-ga, ayaaย  sheegay inuuย  Somaliland indhihiisa ku soo arkay oo ay ahaan jirtay maxmiyadii Ingiriiska oo la odhan jiray โ€œBritish Somalilandโ€, waxaanu weydiiyey wasiirka kaalmada dibadda Britainย  Mrs. Penny Mordaunt, waxay u caawin waayeen Somaliland
oo uu caddeeyey inay tahayย ย  saaxiib weyn oo mar walba garab taagan Ingiriiska.

Wasiirka Kaalmada dibadda ee Britain, Penny Mordaunt, ayaa sheegtay inay xildhibaanka uga mahadcelinayso su’aasha uu weydiiyey ee ku wajahan Somaliland,ย  waxaanay shaacisay inay Somaliland ka caawiyaanย  dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka biniโ€™aadanimoย  isla markaana wax kala qabtaanย  dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka mucaawimada dibadda UK, waxa kaloo ayย  intaas ku dartayย  inay dawladda Ingiriiskuย  taageerto Guddida doorashooyinka Somaliland si ay u hirgeliyaan hawlaha doorashooyinka.

Xildhibaan Bob Stewart oo ah mudane waayo arag ah, waxa uu ka mid yahay xildhibaannada Ingiriiska ee taageera ee sida dhow ula socda qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu golaha Baarlamaanka UK ku jiray tan iyo 2010kii. Waxaanu hore uga tirsanaan jiray ciidammada millatariga Ingiriiska, waxaanu ka gaadhay derajadaย ย  Kornayl.

Dawladda Ingiriisku waxay maalgelisay kor-joogtadii caalamiga ahayd ee ka qaybgalay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay Bishii November ee sannadkii hore, waxaanay warbixintii kama dambaysta ahayd ee goobjoogeyaashii caalamka ka socdayย  ka marag kaceen in si dimuqraadi ah oo xorย  ah ay u dhacday doorashadaasi.