Xaflad Dhalasho Caruureed oo Isugu Jiray Soomali, Suuriyaan Etoobiyaan oo Nin Madaow Maraykan ahi Tooray la Dhex galay,

0

Nin madow Mareykan ah oo booliska dalka Mareykanka si weyn u garanayaan islamarkaana gobollo badan oo Mareykanka ka tirsan dambiyo kala duwan ka galay ayaa waxa uu weerar toorey ah ku qaaday saddex casho ka hor guryo ay daganaayeen qoxooti Afrikaan iyo Carab isugu jira oo ku yaal  magaalada Idaho, halkaas oo uu ku dhaawacay 9 ruux oo carruur u badan.

Goobta uu weerarka ku qaaday ayaa aheyd goob ay ka socotay xaflad dhalasho oo mid ka mid ah carruurtaasi loo dhigayay, nassib darro cunugii xafladda dhalashada loo dhigayay oo ahaa 3 jir ayaa u geeriyooday dhaawac toooreydaasi kasoo gaaray.

Ninka weerarka geystay oo lagu magacaabo Timmy Kinner ayaa dadka uu dhaawacay waxaa ka mid ah saddex ruux oo waaweyn kuwaas oo isku dayay in ay ka qabtaan carruurta uu leynayay.

Gacan ku dhiiglaha oo asal ahaan kasoo jeeda magaalada Los Angeles ayay boolisku rumeysan yihiin uu uu si kumeel-gaar ah uu u daganaa guryahan qoxootiga loogu talo galay, walow uusan isagu ka mid aheyd dadka loogu talo galay in ay halkaasi dagaan.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan loo qabtay in uu isaga guuro goobta bisha Juun 29-keeda, maalin kadibna waxa uu geystay weerarkan.

Booliska ayaanan dhacdadan la xiriirineynin wax fal cunsurinimo ah, waxaana ay xabsiga u taxaabeen gacan-ku-dhiiglaha.

Dadka qoxootiga ah ee guryahan daggan ayaa kasoo kala jeeda dalalka Suuriya, Ciraaq, Itoobiya iyo Soomaaliya, nasiib wanaag dadka weerarka ku dhaawacmay ama ku dhintay kuma ay jiraan wax soomaali ah.