DEG DEG, Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa maanta ansixiyey qaraar ururada ONLF, OLF iyo Ginbot 7 ee dalkaas ka saaraya liiska argagixisada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Fana.

0

Baarlamanka dalka Ethiopia ayaa maanta ansixiyey qaraar ururada ONLF, OLF iyo Ginbot 7 ee dalkaas ka saaraya liiska argagixisada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Fana.

Baarlamanka ayaa qaraarkan ku ansixiyey cod aqlabiyad leh. Golaha wasiirada ayaa qaraarkan waxa uu baarlamanka u gudbiyey sabtidii tagtay.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah isbeddelada siyaasadeed ee dalkaas uu ka wado ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, soo sidoo kale horey xabsiyada uga sii daayey siyaasiin mucaarad ah.

Dhowaan, dowladda Ethiopia waxa ay xabsiga ka daysay sarkaal ka tirsanaa ONLF oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, kaasi oo dowladda Somalia ay Ethiopia u gacan gelisay bishii august ee 2017-kii.

Qalbi-Dhagax ayaa xalay ka dhoofay magaalada Addis-Ababa, wuxuuna hadda ku sugan yahay magaalada Naiorbi.