Prof Axmed Ismacil Samatar oo Si Adag u Naqdiyay Shiraraka Beelaha ee Somaliland Dib Ugu Soo Noqday,iyo Hilinka Loo baahan yahay In la Qaado Somaliyana Layska Celiyo,

0

Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka soo horjeedsaday shirarka ay qabsadaan beelaha somaliland.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo khudbad ku saabsan qiimaha 26-ka June u jeedinayey bulshada somaliland ee wadanka UK ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga waynaado shirarka beelaha, waxaanu yidhi “Somaliland waa inay noqotaa waxyar oo udgoon oo macaan oo qurux badan, mana noqonayso reer hebel ayaa halkan ku shiraya iyo reer ayaa halkan fadhiya iyo kuwanaa waxan yidhi, waanay uri.”

Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa intaas raaciyey “Somaliland ha noolaato oo yaanay inaga beenoobin.”

Sidoo kale Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa bulshada somaliland booriyey in loo diyaar

garoobo sidii looga adkaan lahaa wadanka somaliya.