Paris , Nin Mavia Ahaa oo xabsi Dheer Ku Xukunaa Ayaa saaxibadii Diyaarad Kula Baxdaseen Xabsigiina Ka Jabiyeen,

0

Nin burcad wayn ah ayaa baxsad ah ka dib markii uu diyaarad kuwa qumaatiga ah kaga baxsaday xasbi ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Redoine Faid waxaa gacan siiyay saddex nin oo aad u hubaysan.

Labo nin oo hubaysan oo wajiga soo qarsaday ayaa adeegsaday bambooyin qiiq ah iyo mashiinada wax lagu gooyo iyaga oo u dhacay qolka booqasha oo Faid uu kula hadlayay walaalkii.

Ninkii saddexaad ee hubaysnaa ayaa barxadda xabsiga ku ilaalinayay diyaaradda qumaatiga u kacda iyo duuliyaheeda oo ahaa macalin dadka bara duuliyenimada oo ay ragan soo afduubteen.

Diyaaradda ayaa u duushay dhanka Gonesse oo aan sidaa uga fogayn xabsiga, halkaas oo booliisku ay ka heleen.

Faid oo 46 jir ah ayaa ku xukunnaa 25 sano oo xabsi ah ka dib markii uu ku guuldaraystay dhac uu doonayay in uu gaysto oo lagu dilay askari booliis ah.

Waa markii llabaad ee dad hubaysan ay xabsi u dhacaan, sannadkii 2013kiina wuxuu ka baxsaday xabsi isaga oo afar waardiye gabaad ka dhigtay isagoo dhawr albaabna qarxiyay.Waxay u suuragashay in uu xabsiga ka baxsado badh saac ka dib markii la keenay xabsi ku yaalla waqooyiga Faransiiska, lix toddobaad ayuuna baxsad ahaa wakhtigaas.