Maxay qabatay wasaaradii Cusbayd ee Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidku,

0

Xukuumada Somaliland ee Uu Hogaamiyo Madaxwayne Biixi  Hada Waxay Jirtaa Mudo Todaba Bilooda ,Wasaaradihii Cusbaa ee uu madaxwayne muuse  kusoo kordhiyay  dawladiisa  Waxaa Kamid ahayd  Wasaarada Horumarinta Jidadaka iyo Gaadiidka oo uu Wasiir Uga Dhigay Cabdilaahi   Abokor,

Runtii Samaynta Wasarada iyo Sida Laysku Raaciyay wadadii iyo Gaadiidkii Madaxwaynuhu Wuu Asiibay , Muadadii Lixda Bilood ahayd ee wasaaradani Jirtayna  Waxa Badan Ayaa Laga qabtay  Wadooyinkii iyo Habayntii Gaadiidkaba,

Wadada Ugu Socodka badan  Somaliland  Waa Berbera iyo Haygaysa Wadada u Dhaxaysa  oo rafaad badan Babuurtu ku qabtay  inakstoo  Xukuumadii Axmed Siilaanyana Waxa badan ka Qabatay hadana  Mar walba waxay u bahnayad gacan Ku hayn ,

Wasiir Cabdilaahi Abokor  Wuxuu  ku Guulaystay  in uu si Joogta ah Uga

Shaqeeyo Wadooyinka   Waana Taa ta sababatay in  Wadooyinkii Magalooyinka Waawayn u Dhexeeyay  siwayn loo dayac Tiray Gaadiidkuna ka raystaan Dhibaatadii Kasoo gaadhi Jirtay,

Wasaaradan Cusub ee uu  wasiirka ka yahay Cabdilaahi Abokor Waxyaabaha uu Ku Guulaystay in uu qabto waxaa kamida,

1. Waxay dib u bilawday dhismaha waddada Ceerigaabo

2,Waxay dayac tir ku sammaysay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera laga soo bilaabo Controlka bari ilaa tuullada macaaneeye

3. Waxa ay calaamadinti jidadka ku sammaysay waddada Hargeysa ilaa Berbera.

4. Waxa ay dayactir ku sammaysay biriijyadda cabaadweyne oo ay dhistay wasaaradda horumarinta jidadku.

5. Diiwaan galinta gaadiidka dawlada

6. Dayactirka guud ee xarunta wasaaradda Horumarinta jidadka iyo gaadiidka

7. Waxay furtay oo ay kaga shaqaysiisay xafiiska goboladda ee wasaaradda jidadka iyo horumarinta gaadiidka

8 .Mashruuca qaadhaan ururrinta dhismaha waddada Goboladda Awdal.

Waxaana Marag Doona  Markaad Maanta safar ku Gasho wadada u Dhaxaysa hargaysa illaa Burco iyo hargaysa Illaa Boorama In Aad dareemi Karto  Wax qabadka Laga sameeyaay wadooyinkaa,

Waxaase Iyana Muhiima in wasaaradani Qorshe wado marineed u samyso gaadiidka Ethipian ka ee Jiidanaya Rimoodhka oo Bur Bur u gaysta wadada laamida ah, waxaan haboon In Gadiidkaa waawayn ee isjiidka ahi ay Soo xambartaan Rimoodhkooda Sida Cadiyanba aay sameeyaan markay jabuuti tagayan, taasina waxay ka badbaadinaysaa wadooyinka  Burburka De dega ah ee Gaadiidkaasi sababaan,