Lacago uu xaday hoggaamiye miltari oo loo qaybinaya dad sabool ah

0

Lacago uu dhacay hoggaamiyihii hore ee militariga Nigeria Sani Abacha ayaa dib loogu qaybinaya dadka saboolka ah ee dalkaasi ku dhaqan, sida ay sheegtay dowladda.

Lacagta uu xaday Abacha sanndakii 1990-kii ayaa loo qaybinaya qoysas gaaraya 300,000, bil kasta ayaa siin doona ilaa 14 oo doolar.

Waxaa lacagta la siinaya qoysaska saboolka ah bisha nagusoo aadan kaddib markii dowladda Switzerland ay dib usoo celisay adduun gaaray 300 milyan oo doolar oo la sheegay in uu xaday hoggaamiyihii hore ee militariga Nigeria.

Dadka reer Nigeria ayaa su’aalo iska weyddinaya qaabka lacagahani loo qaybinaya halka qaar ay walaac ka muujinayaan in lacagahani ololaha doorashada loo adeegsan rabo sii loo soo jiito coidbixiyaasha maadama bilooyin ay naga xigaan doorashada dalkaasi ka dhici doonta.