Cajiib, Nin Markuu Soo Toosay garan Waayay Xaaskiisii, iyo Qiso Layableh oo ku dhacday

0

Adam iyo Raquel Gonzales ayaa ahaa lammaane wada noolaa shan sano, balse maalin ka mid ah maalmaha ayaa Adam waxa uu soo toosay isaga oo garan waayay xaaskiisa, sababtoo ah waxa uu hilmaamay guud ahaan noloshiisa iyo inuu xees leeyahay.

Balse Raquel ayaa go’aansatay inay markale ka guuleysato.

Xilli aroor ah bishii September sanadkii 2016-kii ayaa Raquel waxa ay usoo gashay qolka jiifka seygeeda iyada oo raadineysa isaga, waxa ayna ku eegtay daymo cajiib ah.

Aadam ayaase ula hadlay Raquel sida qof uusan garaneynin, mana u muujinin wax jaceyl ah. Waxa uuna u muuqday qof aan garaneynin cida ay tahay.

“Waxa aan weydiiyay: ‘Ma garaneysaa halka aad ku sugan tahay? Ma garaneysa sanadka aan ku jirno? Ma garaneysaa magaceyga?’ Wax auuna iigu jawaabay dhammaan su’aalihii aan weydiiyay’Ma garanayo’ Ayay tiri Raquel.

Raquel ayaa isku dayaysay inay u xaqiijiso marwalba Adam in halka ay ku sugan yihiin ay tahay gurigooda, inay tahay xaaskiisa saddex caruur ahna ay u joogaan. Adam ayaase markuu hadalkaasi maqlay billaabay inuu ooyo.

“Waxaan kaa doonayaa inaa sharcigeyga ii keento, aaway telkeyga iyo sharcigeyga?” ayuu Adam yiri.

Raquel ayaa waxa ay usheegtay Adam inuu labisto ayna si degdeg ah u geyneyso isbitaal. Waxa ay ka murugeysneyd in uu xaalad halis ah ku sugan yahay oo maskaxdiisu wax gaareen.

Adam ayaa labistay waxa uuna u raacay isbitaalka xaaskiisa oo uu rumeysan yahay inay tahay qof ku cusub.

Raquel waa ay u dabacsaneyd Aadam, sabbatoo ah waxa ay ogeyd in uu maskaxda si uun uga xanuunsanayo , hadda ka horna uu xanuusaday kaddib markii ay haweeynay isku dayday inay disho.

Shan snao ka hor, mar uu Adam 35 sano jir ahaa ayuu maamule kasoo noqday qeyb ka mid ah shirkad weyn oo isgaarsiinta ah kuna taalla Mareykanka, waxa uuna sidoo kale madax ka ahaan jiray kaniisad ku taalla Taxas.

Kaddib markii ay kala tageen xaaskiisii hore, ayaa waxa uu billaabay xiriir cusub balse dhibaato weyn ayaa ka raacday.

Gabadhii uu la haasaawaayay ayaa ku noqotay mid dhib badan, ugu dambeyntiina waxa ay ku dhajisay koronto, iyada oo uga tagtay geeri.

Saddex jeer ayaa wadnuhu istaagay intii loo sii waday isbitaalka, balse waxa uu ku badbaadayay gargaarka degdega ah oo loo fidinayay. Adam ayaase galay xaalad miirdabool ah ilaa afar bilood.

“Markii aan soo miyirsaday ma garaneyn qofka aan ahay, ma garaneyn in aan xaas leeyahay oo kala tagnay labo caruur ahna ay ii joogaan, ” ayuu yiri Aadam.

Waxa uu isbitaalka ku jiray sanad, isga oo baranayy hadalka iyo socodka, balse xasuusta noloshiisii hore sooma aysan laabanin.

Dhowr bilood ayay ku qaadatay inuu Adam dib u barto caruurtiisa. Markii ugu horeysay aad ayay ugu adkaatay inuu eego caruurtiisa.

“Sidee ayuu aabe ilmihii uu dhalay u hilmaami karaa?” ayuu yiri Aadam.

Markii uu guriga kusoo laabtay, waxaa ka buuxay guriga sawiro uusan xasuusan Karin.

Shaqadiisii hore ma uusan awoodin inuu ku laabto waxa uuna ka baqay inuu hilmaami waayo sida ay ahaan jirtay noloshiisii hore iyo sida ay u qurxooneyd.

Waxa uuna go’aan ku gaaray inuu isaga tago magaaladan nolol cuusbna uu bilowdo.

Waxa uu la aaday caruurtiisa magaalo ku taalla Arizona, halkaasi oo uu kabilaabay nolol cusub iyo shaqo kale.

Sanadkii 2012 ayuu ka bilaabay barta internerka inuu kala haasaawo fariimana uga diro Raquel, oo 30 sanno jir ah, kana shaqeyneysay shirkad oo ay ka ahayd madaxa suuq geyntana.

Waxa ay isku afgarteen inay ku kulmaan magaalada Phoenix .

Ugu dambeyntii halkii ay ku balameen ayaa waxaa ugu tagay Aaam oo kusoo labistay surwaal jeenis ah iyo jaakad dharkaasi oo ahaa kuwii ay ku ballameen.

Kaddib dhowr bilood oo uu xiriirkoodu socday , waxa ay keensadeen caruurtooda, bishii Julay 2015, waxa ayna ku aqal galeen magaalada Phoenix.

Balse waxaa meesha ka baxay dhammaan xasuusta shan sano oo ay wada noolaayeen Adam iyo Raquel.

Markii uu isbitaalka ku jiray Adam dawooyinkana uu qaadanayay waxa uu u yeeray qofka keliya ee uu ku kalsoonaa taasi oo ahayd hooyadiis, waxa ayna u xaqiijisay inuu jeclaa guursadayna Raquel.

Waxay Adam iyo Raquel markale isku barteen oo ku haasaaweyn isbitaalka, iyaga oo ku kulmi jiray banaanada iyo goobaha lagu qaxweeyo.

“Way adag tahay inaa jeclaato qof marka uusan ogeyn cidda aa tahay uusan ku jecleyn,” ayay tiri.

Caruurta Adam iyo Raquel ayaa kasoo kabsaday isbadelkii ku yimid noloshooda iyo xanuunkii lasoo darsay aabahood.

Abby waxa uu jiray 12 sano, Elijah Iyana waxa ay jirtay 17 sano markii labaad ee aabahood Adam ay xasuusta ka tageysay.

Bishii December 2016, kaddib saddex bilood oo uu xanuunsanaa Adam, ayaa maalin si kadis ah uu soo tooosay waxa uuna si naxariis leh iyo cod macaan uu kula hadaly xaaskiisa Raquel.

Waxa uu ka raali galiyay dhibka ku dhacay saddex sano ka hor xiligaasi oo ay xiriir la haayeen.

Raquel ayaa eegtay Adam waxa ayna weydiisay cida ay tahay iyo inuu garanayo.

Waxa uu ugu jawaabay “Side ayaan kuu hilmaami kara? Waxaa tahay xaaskeyga Raquel. ”

“Qaali waxaa jiro waxyaabo badan oo daanayo inaa kuu sheego,” ayayna ugu jawaabtay Raquel.

Adam haatan waxaa usoo noqday xasuusta waxyaabo badan balse xasuusta saddex sano ka hor ayuu xasuusan la’yahay , waxaana ka mid ah waxyaaba badan oo muhiim ah sida arooskoodi Raqeul.

Lammaanahan ayaa haatan mustaqbalkooda ka fakaraya. Caruurtooduna waxa ay dhameysteen waxbarashada college-ka, marka waxa ay qorsheynayaan Adam iyo Raquel inay aqalgal galaan mar labaad.

Guurkeena waxaa ku dheehnaa farxad iyo reynreyn iyo isbaddel ku yimaaday nolosheena oo guuleystay.”

“Gabi ahaanba nolosheyda waa is bedeshay, waxa ayna ahayd wixii dhacay musiibo quruxbadan.” Ayay tiri Raquel.