Itoobiya oo cafis u fidisay siyaasiyiin mucarad ah oo dil ku xukunneyd

0

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya ayaa maxakamadda sare ee dalkaasi Itoobiya ka codsaday in la joojiyo dacwaddii ka dhanka ahayd laba telefishiin oo dibadda laga leeyahay oo la kala yidhaahdo ESAT iyo OMN iyo sida oo kale Dr Birhaanu Negga iyo Jawhar Maxammed.

Maxkamadda sare ayaa waxay aqbashay codsiga xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya iyada oo u cuskatay qodobka 948/08 qodob hoosaadkiisa 3/a sida uu telefishiinka FBC uu u sheegay madaxa agaasinka ka hortagga dambiyada Berhanu Wondimagegn.

Labada warbaahin iyo labada shaqsiba waxay ku wada jireen gal dacwadeedka looga magacdaray Dr.Merara Gudina.

Dr Birhanu Negga oo ah madaxa ururka Ginbot 7 ee dowladda Itoobiya dagaalka hubeysan uga soo horjeeda isga oo ku sugan Mareykanka ayey maxkamad ku taallo Itoobiya ku xukuntay xukun dil ah.awhar Maxammed waa ninka loo aneeyo inuu sabab u ahaa kacdoonka Oromada ee horseeday isbeddelka hoggaamineed oo dalka ka dhacay qowmiyadda Oromadan ay ku hanatay kursiga Ra’isal wasaaraha.Maalinti shalay ahaydna waxaa sida oo kale ay dowladda Itoobiya cafis u fidisay siyaasiga Adergachew Sige iyo 746 qof oo kale oo ku eedeysnaa falal argagixiso iyo dambiyo kala duwan.