‘Dagaalka Tukeraq Waxa Ka Danbeeya Shirkado Shisheeye Oo Damacsan Holhol Oo Uu Shiidaal Ku jiro” Ismaaciil Buubaa

0

Siyaasiga Ismaaciiil Hurre Buubaa ayaa sheegay in Dagaalka Puntland ee ay ku soo qaaday Somaliland uu yahay mid ay dabada ka riixayaan shirkaddo shisheeye oo uu u muuqdo shiiidaal kujira Gobolka Sool.

Waxa uu xusay in deegaanka Holhol oo ku yaala Gobolka Sool uu yahay meel lagu tuhmayo in uu ku jiro Shiidala Badani isla markaana ay jiraan shirkaddo shisheeye oo ku qasbaya Puntland in ay la wareegto deegaankaasi si ay uga faa’iidaystaan shiidaalka halkaasi ku jira

“Dagaalkan (Tukeraq) waxa uu salka ku hayaa Puntland oo ka soo horjeeda wadankii la isku odhan Jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960kii isu tagay,


waxaanu ahaa mid ka kooban Soomaaliya iyo Somaliland, wada hadalo culculisina ay bilaabmaan ayay ahayd” ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa Mar uu u waramayay Bulsho.

Waxa uu intaasi ku daray in Dagaalka ka socda Tukeraq uu yahay mid lagu doonayo in lagu qabsado goobo shiidaal oo ku yaala Gobolka Sool

Maamulka Maanta Joogga Puntland iyo siyaasiyiinta Maanta Joogta ayaa u aragta in Gobolka Sool uu ku jiro Pertol faro badan, Holhol in ay macno weyn leedahay, qorshahooduna maaha wax kale ee waxa uu yahay in Gobolka Sool Gacanta lagu qabto, sidoo kale shirkaddo ajanabi ah oo arrintaas ka danbeeyaana waa jiraan, markaas dano aan ahayn kuwo soomaaliyeed, Dano Somaliland iyo Dano Puntland ayay ila tahay dhibaatada maanta socota in ay ka danbayso” ayuu yidhi.